Frank Lampard

Ciyaaryahan Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday in maalmihiisii uu booska joogtada ka hestay England aysan weli dhamaanin ilaa iyo inta tababare Fabio Capello uu ciyaartoyda ku soo xulanayo qaab ciyaareedkooda.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Chelsea ayaa kursiga keydka fadhiyay kulankii xulka England ay 3-0 ku garaaceen Bulgaria jimcihii, lakiin waxa uu line-upka kooxda ku soo laabtay kulankii ay talaadada Wembley 1-0 kaga badiyeen xulka Wales.

Waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Fabio Capello uu doonayo inuu xulka ka saaro ciyaartoy dhowr ah oo da’du ay heyso ka hor Euro 2012, lakiin Lampard ayaa weli doonaya inuu ka sii mid ahaado xulka qaranka Three Lions.

“Marna ma fileynin inaan u ciyaarayo wadankeyga, sharaf weyn ayay ii tahay inaan u ciyaaro England, hadii qaab ciyaareedkaaga fiican yahay tababaraha waa uu ku qaadanayaa. Waxaana doonayaa inaan qeyb ka noqdo xulka” ayuu Lampard u sheegay The Guardian.

“La yaab iguma aysan aheyn in todobaadkii hore aan ku bilaaban ciyaarta, booskaaga isma siin kartid ilaa aad magacaaga ka aragto warqada, sababtoo ah ciyaartoy tayo leh ayaa buuxda. Iskama fariisanayo anigoo wax filanaya. Lakiin waxaan mar walba rabay inaan ciyaaro taas ayaana weli i wada”

“Waxaa jirta labo siyaabood oo aan England ugu ciyaari karin: Hadii aan la ii soo qaadan, taasoo ah wax iska caadi ah, ama hadii aan u arko faa’ido mustaqbalkeyga dheer ee kooxda Chelsea ee i horyaala. Lakiin wax walba waa aan siin doonaa xulka oo aan awoodo”

“Marka aad da’ yar tahay mahan in xulka lagaaga reebo da’daada darteed. Waana la mid marka aad da’ weyn tahay in da’daada darteed aan xulka lagaaga saarin. Ilaa iyo inta aad soo bandhigeyso awooda iyo jaceylka aad u qabto inaad ciyaarto, waxaana qabaa inuu tababaraha ku qaadanayo. Ilaa uu sidaasi sameynayo waa sii socon doonaa anigana”