Pele

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda AC Milan Pele ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay inuu helay fursad uu ugu wareego kooxda heysata horyaalka Serie A.

19 jirkaan ayaa si aad ah uga dhex muuqday xulkii Portugal ee U20 ee gaaray finalka koobka adduunka, waxaana uu saftay dhamaan todobadii kulan ee koobkaas ka socday Colombia.

Pele ayaa u saxiixay Milan maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga, waxaana ay Rossoneri ay ciyaaryahanka wada leeyihiin koooxda Genoa.

“Xaqiiqdii waa xagaageygii iigu fiican, waa arin qurux badan” ayuu Pele u sheegay Maisfutebol.

“Riyadii caruurnimadeyda ayaa haatan run noqotay, wax cabsi ah iguma jirto, waxaan aaminsahay tayadeyda, wax walbana waa ay hagaagi doonaan”

“Amaah la iguma diri doono, ugu yaraan haatan. Waxaan doonayaa inaan tababaraha ka dhaadhiciyo inuu igu sharatamo, waxaan dareensanahay inaan awoodo inaan xirto maaliyadan”

Pele ayaa sidoo kale qirtay in xiddigaha Milan Clarence Seedorf iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa yihiin labo ciyaaryahan oo uu waligiis jeclaa.

“Waxaan jeclahay qaabka ay u ciyaaraan, waana ogahay inay wax badan i bari doonaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.