David Degea

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in goolhaye David de Gea uu noqon doono goolhaye sarre marka uu la qabsado qaabka Premier League.

De Gea ayaa durbaba dhaleeceyn kala kulmay kulmadii yaraa ee uu u ciyaaray Red Devils xilli ciyaareedkan. Waxaana ka dhashay kubado aan laga filan kareyn inay shabaqa ka soo taabtaan goolhaye u ciyaara koox heysata horyaalka.

Lakiin 20 jirkaan ayaa waxa uu taageero ka helayaa Ferguson, kaasoo aaminsan in De Gea uu noqon doono goolhaye sarre marka uu England la qabsado.

“David waxa uu sameeyay labo qalad kulamadiisii ugu horeysay, taasoo aheyd wax aanan filaneyn, isaga xitaa ma uusan filaneyn” ayuu Ferguson u sheegay Inside United.

“Waxa ay aheyd wax aan caadi aheyn, sababtoo ah qaab ciyaareedkisii Atletico Madrid markuu 18 jirka ahaa waxa ay aheyd wax aan la maleysan karin”

“Muran kama taagna inaan heysano ciyaaryahan mustaqbal weyn leh. Shaqadeena kooxdan ayaa waxa ay tahay inaan ogaano arintaas oo aan hubino inuu noqdo goolhaye sarre”

“Waana uu noqon doonaa marka uu helo waayo aragnimo, islamarkaana uu la qabsado kubada xooga leh ee horyaalka”

“Ciyaarta halkaan waa ay ka duwan tahay tan Spain- halkaan goolhayayaasha waxa ay u baahan yihiin inay inta badan iska ilaaliyaan karoosyada, lakiin talaabo, talaabo, halkaas waan la gaari doonaa isaga”