Thiago Motta

Kooxda Inter ayaa ku dhawaaqday in ciyaaryahankeeda khadka dhexe Thiago Motta inuu ka fariisan doono kulanka Inter ee ugu soo horeeya horyaalka ee ay axada la ciyaarayaan kooxda Palermo ka dib dhawaac soo gaaray.

29 jirkaan ayaa dhaawac uu soo gaaray qeybtii hore ee kulankii xulka Italy ay 1-0 kaga badiyeen Slovenia taladadii, waxaana qeybtii labaad bedelay ciyaaryahan Claudio Marchiso.

Baaritaan lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday dhaawacaas, ilaa iyo haatana lama yaqaan inta uu maqnaan doono, lakiin waxaa la xaqiijiyay in kulanka soo socda uusan ciyaari doonin.

Daafaca dalka Romania Cristian Chivu ayaa sidoo kale isna shaki uu ku jiraa ka dib markii dhaawac yar uu ka soo gaaray canqowga tababarkii arbacada.