Wesley Sneijder

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Inter Wesley Sneijder ayaa kula taliyay xiriirka kubada cagta Holland KNVB inay tababare u magacaabaan Jose Mourinho, marka uu jagadaas ka tago tababaraha haatan Bert van Marwijk.

Van Marwijk ayaa qandaraaska uu kula jiro KNVB waxa uu ku eg yahay ka dib Euro 2012, waxaana tababarihii hore ee kooxda Feynoord uu dhawaan sheegay inuu jecel yahay inuu tababare ka noqdo koox ajnabi ah.

“Hadii xulka Oranje ay doonayaa inay helaan xul kan ugu fiican, waa inay tababare u magacaabaan Mourinho” ayuu yiri Sneijder sida laga soo xigtay NUsport.

“Waxa uu leeyahay awooda uu ku qanciyo kooxda dhamaanteed. Kaliya mahan ciyaartoyda booska joogtada heysata sidoo kale waxa uu qancin karaa ciyaartoyda keydka fadhisa”

“Waxa uu muran la’aan mar walba ahaan doonaa tababaraha kowaad aniga ahaan. Weli ma aanan maqlin ciyaaryahan wax xun ka sheegaya. Waxaan leeyahay dareen ah inaan mar kale wada shaqeyn doono xilligey ahaataba”

Sneijder ayaa hore u la soo shaqeeyay Mourinho xilli ciyaareedkii 2009-10 markaasoo kooxda Inter ay ku guuleysatay seddexda koob ee Serie A, Champions League iyo Coppa Italia.