asamoah gyan

Weeraryahankii kooxda Sunderland Asamoah Gyan ayaa si amaah ah waxa uu ugu wareegay kooxda Al Ain ee ka dhisan imaaraadka Carabta kadib markii ay kuwada heshiiyeen kooxda Sunderland iyo Al Ain

Weeraryahanka reer Ghana ayaa hore waxaa loogula xiriiriyey inuu u wareegayo kooxo ka dhisan dalka Turkiga ee  Fenerbahce iyo  Galatasaray, balse markii dambe loo qaatay inuu iska sii joogayo  Stadium of Light kadib markii uu xirmey suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Tababaraha kooxda Black Cats Steve Bruce ayaa xaqiijiyey wararka la isla dhexmarayay ee ahaa in Gyan uu ka tagayo kooxda Sunderland hase yeeshee tababaraha ayaa sheegaya in uu jecel yahay in Gyan uu mar kale xirto maaliyada kooxda Sunderland

Qof walba oo arka ciyaarta Asamoah waxa uu ogaan doonaa inuusan ahayn sidii hore, fikirkaasna waxaa qaba kooxda isagana waxa uu yahay mid aan jecelnahay, Bruce ayaa hadalkaas u sheegay shabakada warbaahinta ee kooxda Sunderland

Asamoah saddex sano ayaa ugaga hartay heshiiska uu kooxda kula jiro dabcan rabitaankeenana in uu mustaqbalka uu xirto maaliyada casaanka iyo caddaanka ah xilli ciyaareedka soo socda

Gyan ayaa mari doona baaritaan caafimaad berito waxaana uu xiran doonaa lambar 3 kooxda cusub ee uu u tagay

Al-Ain waa koox ku guuleyatay illaa 14koob, iyadoo ah naadiga ugu hanashada badan koobabka dalka UAE hase yeeshee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayay kooxdu u sibxatay kaalinta tobaanaad iyadoo ku sigatay in ay hoos ugu dhacdo naadiyada heerka labaad

Gyan oo 51jeer kabtan ka noqday xulka dalkiisa ayaa noqday mid jebiya rikoorkii la soo wareegida ciyartoyda ee u yiil Sunderland isagoo ka soo wareegay kooxda Rennes xilli ciyaareedkii hore, waxana uu  dhaliyey 11 gool 33 kulan oo uu u saftay kooxda Sunderland balse waxa uu ku guuldareystey in uu goolal dhaliyo afart kulan  ee uu saftay sanadkan