Alexis Sanches

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Barcelona Alexis Sanchez ayaa laga yaabaa inuu maqnaado ku dhawaad labo bilood ka dib markii dhaawac uu ka soo gaaray intuu uu socday kulankii ay kooxdiisa la ciyaareysay Real Sociedad.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Chile, oo lacag adag ku yimid Camp Nou xagaagan, ayaa garoonka looga saaray bareelo qeybtii hore ee ciyaartii ku dhamaatay 2-2.

Waxaa xilli danbe la sheegay in 22 jirkaasi Sanchez in jeex muruqa ah uu ka galay lugta midig.

Wararkii ugu horeeyay ee soo baxayay waxa ay sheegayeen inuu maqnaanayo lix ilaa sideed isbuuc, inkastoo maanta baaritaan lagu sameyn doono islamarkaana la ogaan doono inta uu garoomada ka maqnaanayo, sida laga soo xigtay website-ka kooxda Barcelona.

Sanchez ayay u muuqataa inuu seegi doono 8 kulan oo Barcelona ay ciyaareyso La Liga iyo Champions League.

Waxaa sidoo kale laga yabaa inuu seego wareega kowaad ee isreebreebka koobka adduunka ee Latin America oo bisha October dhacaya.