Bolton 0-5 manchester united

Ciyaaryahan Wayne Rooney ayaa dhaliyay seddexleydiisii labaad ee xilli ciyaareedkan ka dib markii Manchester United ay shan gool iyo waxbka ku xaaqday kooxda Bolton ciyaar ka dhacday Reebok Stadium.

Rooney ayaa ku darsaday seddexleydii uu Arsenal ka dhaliyay mid kale oo uu ka dhaliyay kooxda aadka u liidatay ee Bolton, halka Javier Hernandez uu xilli ciyaareedkan kulankiisi ugu horeeyay ku furtay labo gool.

United ayaa ku soo laabatay hogaanka horyaalka Premeir League, iyadoo goolal kaliya uga heysa kooxda ay isku dhibcaha yihiin ee Manchester City oo iyadana 3-0 ku soo dubatay kooxda Wigan.

15 maalmood ka hor City waxa ay 5-1 ku soo garaacday Tottenham, waxaana dabadeed ay daawadeen United oo sideed gool ka dhalineysa Arsenal. Maanta Sergio Aguero ayaa seddexleey uu dhaliyay waxa ay keentay in City ay hogaanka qabato ka hor inta aysan United labo cad ka dhigin Bolton.

Xilli ciyaareedkan kaliya oo 4 kulan la ciyaaray waxaa horyaalka Ingariiska laga dhaliyay 91 gool, kooxaha Manchester ka dhisan ee City iyo United waxa ay iskudarkooda ku leeyihiin 33 gool.

Wayne Rooney ayaa noqday ciyaaryahankii afaraad ee labo jeer oo isku xigta taariikhadka Premeir League ka dhaliya seddexleey ama hat-trick, waxaa hore u soo dhaliyay Les Ferdinand, Ian Wright iyo Didier Drogba.

Natiijooyinkii kulamada maanta la ciyaaray:

Arsenal

1 – 0

Swansea C.

Everton

2 – 2

Aston Villa

Manchester C.

3 – 0

Wigan Athletic

Stoke C.

1 – 0

Liverpool

Sunderland

1 – 2

Chelsea

Wolverhampton W.

0 – 2

Tottenham H.

Bolton W.

0 – 5

Manchester U.