Jose Mourinho

Tababare Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday mushaharka kubada cagta adduunka ugu weyn, ka dib markii uu diiday inuu qabto kooxda Ruushka ee Anzhi Makhachkala

Wargeyska Spanishka ee Marca ayaa sheegaya in tababaraha reer Portugal uu diiday dalab 22 milyan ginni oo uu sannadkii qaadanayo oo ay ka baxsan tahay canshurta oo uga yimid kooxda ka dhisan badda madow.

Kooxda Ruushka oo uu maalgelin ku sameynayo Suleyman Kerimov, kaasoo ku faraxsan in maalqabanimadiisa 12ka bilyan ginni uu ka dhigo kooxda Ruushka mid ka soo hoos baxda kooxaha Ruushka oo noqota koox weyn oo kooxaha yurub la xisaabtanta.

Kerimov ayaa lagu soo waramayaa inuu dalabkaas u soo bandhigay Mourinho wax yar ka dib markii uu qabtay kooxda Real Madrid bishii Janaayo ee sannadkan, markaasoo tababaraha Real uu muran kala dhaxeeyay maamulka kooxda oo ku aadan siyaasada dhinaca wax soo iibinta

Mourinho ayaase heshiis arintaasi kala gaaray kooxda Real, si kastaba waxa uu haatan xor u yahay wax soo iibinta, madaama laga dhigay madaxa howlgalka kubada cagta, waxaana uu ku riyaaqayaa howsha uu qabto tababare ku shaqeya nidaamka England

Anzhi ayaa bilowgii sannadkan soo kortay bogaga hore ee wararka, ka dib markii ay la soo wareegeen daafacii Chelsea Yuri Zhirkor iyo halyeeygii reer Brazil Roberto Carlos, lakiin heshiiskii Samuel Eto’o ayuu ahaa midkii qabsaday caalamka oo idil, taasoo keentay in Anzhi loo bxiiyo “Manchester City-da Ruushka