Daniel Van Buyten

Kooxda Bayern Munich ayaa heshay war lagu farxo ka dib markii uu ciyaaryahan Daniel Van Buyten uu dib u bilaabay tababar kooxdiisa ka hor kulanka todobaadka soo socda ay la leeyihiin Bayer Leverkusen.

Daafaca dhexe ayaa dhaawac uu ka soo gaaray kulankii ay Bayern Munich 2-0 Champions League kaga badisay kooxda Villarreal todobaadkii hore, waxana uu garoomada ka maqnaa wixii xiligaas ka danbeeyay.

Si kastaba, waxa uu haatan dib u bilaabay tababarka buuxa ee kooxda, waxaana lagu rajo weyn yahay inuu dib ugu soo laabto kulanka todobaadka soo socda

“Dhaawaca weli ma uusan wada reysan, lakiin wax walba si wanaagsan ayay ku socdaan” ayuu Van Buyten u sheegay TZ

Bayern Munich ayaa haatan hogaanka u heysa Bundesliga iyadoo leh 15 dhibcood lix kulan oo ay ciyaareen, waxaana ay indhaha ku hayaan inay badiyaan kulankoodii lixaad oo isku xiga marka ay garoonkooda sabtida ku soo dhaweeyaan Leverkusen