Abrahamovic

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa ku amray tababare Andre Villas-Boas inuu soo safo ciyaartoy da’ yar kulanka Carling Cup-ka ee ay la ciyaarayaan kooxda Fulham

Iyadoo in badan laga hadlay sida bilyaneerka reer Russia uu u doonayo Champions League, hadana Villas-Boas ayaa sheegay in kooxda ay dooneyso inay horumarin ku sameyso ciyaartoydeeda da’da yar

Waa falsafada kooxda, waa go’aan uu milkiilaha doonayo, in la horumariyo ciyaartoyda da’da yar” ayuu Villas-Boas u sheegay suxufiyiinta

Lakiin waxaa jirta mas’uuliyad ah in la isku dayo oo lagu guuleysto koobka

Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale farta ku fiiqay sida kooxda reer London ee Arsenal ay tusaale fiican ugu tahay habka ay ciyaartoydooda da’da yar ugu isticmlaan koobka Carling Cupka

Arsenal waxa ay sameyneysay muddo sannado ah. Waan ka hadli karnaa inay faa’ido laheyd iyo in kale, waxa ay gaareen sannadkii hore finalka, labo jeer kalena semi-final.  Waa muhim in ciyaartoyda da’da yar ay helaan dareen tartan ah

Koobka Carling Cupka waa fursad aan ciyaartoydeena ugu fiican ee da’da yar aan qibrad ugu raadineyno. Gabi ahaanba waa hab cusub sida aan sameynay sannadkii hore

Waxaan dooneynaa inay helaan fursadahan. Waa kulan adag madaama Fulham ay Premeir League ka ciyaarto waxaana ay feker fiican naga siin doontaa halka aan taaganahay

Fekerkan cusub ayaa waxa uu siin doonaa ciyaartoyda sida Josh McEachran fursad ay boos kaga helaan kooxda koowaad ee Blues.