Nicolas Anelka

Ciyaaryahan Nicolas Anelka ayaa sheegay inuusan weli go’aansan inuu ka tagayo Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababare Andre Villas-Boas ayaa todobaadkii hore sheegay in Anelka ay u badan tahay inuu kooxda ka tagayo xagaaga soo socda.

Anelka oo bisha March 33 jir noqon doono ayaa mustaqablkiisa Chelsea uu mugdi galay markii la ceyriyay tababare Carlo Ancelotti dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.Ciyaaryahankii hore ee xulka Faransiiska oo soo jiitay tababare AVB ayaa u sheegay website-ka kooxdiisa sida tan:

“Waxaa la ila xiriiriyay meel walba, lakiin markii meel lagula xiriiriyo micnaheeda ma ahan inaad baxeyso. Waan jeclahay Chelsea, markii horena inaan joogo ayaan rababy, waana sababta aan halkaan u joogo”

“Waan arki doonaa waxa dhaca bisha December, hadii aan sii joogo hadana waa arki doonaa waxa dhaca June”

Villas-Boas ayaa todobaadkii hore sheegay in kooxda ay isku dayi doonto inay heshiis heshiiska u kordhiyaan Anelka.

Tababaraha Chelsea ayaa sidoo kale biyo qabow ku shubay wararka ay dadka sheegayaan oo ku aadan da’da ciyaartoydiisa, lakiin Anelka ayaa qirtay in la dareensiiyay inuu da’ yahay markii uu ogaaday in 18 jirka ay isku kooxda yihiin haatan Romelu Lukaku uu ku heysan jiray qolkiisa Sawirka Anelka.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan dareemayaa inaan aad da’ u ahay. Labo ama seddex todobaad ka hor waxaan aaday Paris, waxaana arkay labo wiil. Waxaan  la joogay saaxiibkey, waana sheekeysaneynay, mana aysan ogeyn inaan u ciyaari jiray Arsenal”

“Maba ka warqabin mana arkin videos, sidaasi darteed waxaan is iri haatan waxaad noqotay nin aad u da’ weyn”