Spain

Xulka England ayaa ka soo dhacay kaalinta afaraad ee kala sareynta bilaha xulalka Aduunka ee ay sameyso FIFA, iyagoo u soo dhacay kaalinta sideedaad, inkastoo ay badiyeen labadii kulan ee ay ciyaareen qiimeyntii ugu danbeysay ka dib

Kooxda Fabio Capello ayaa labo guul oo isku xigta ka gaartay isreebreebka Euro 2012, iyagoo garaacay xulalka Bulgaria iyo Wales, taasoo qarka u saartay u soo bixitaankooda koobka Euro 2012 oo lagu qaban doono dalalka Poland iyo Ukraine

Lakiin qiimeynta FIFA oo mararka qaar la dhaleeceeyo ayaa waxa ay dhaleeceyn kala kulmeen in England ay markii horeba galiyaan kaalinta afaraad, haatana iyagoo badiyay ay u soo ridaan kaalinta sideedaad

Xulka Spain ayaa iyagana ku soo laabtay kaalinta kowaad, ka dib markii Holland ay kala baxday bishii hore

Xulka Jarmalka ayaa in muddo ah ku jiraa kaalinta 3aad oo meelna aan uga dhicin, xulka ku guuleystay Copa America ee Uruguay ayaa iyagana kaalinta afaraad kala baxay England, waana meeshii ugu sareysay ee ay abid gaaraan

Portugal iyo Italy ayaa iyagana kor u soo kacay, halka Argentina ay buuxineyso 10ka xul ee adduunka ugu fiican

Xulka Africa ugu soo horeeya waa Ivory Coast waxaana ay ku jiraan kaalinta 16aad

Xulka dalkeena hooyo ee Soomaaliya waxa uu ku jiraa weli kaalinta 193aad, halka xulka dalkeena kale ee Jabuuti uu isna ku jiro kaalinta 196aad

Dalalka kale ee geeska Africa xulka Kenya waxa ay ku jiraan kaalinta 130aad, halka Ethobia ay ku jirto kaalinta 132aad

Qiimeynta FIFA Ee Bisha August Ee Xulalka Aduunka 10ka ugu sareeya :

  1. Spain
  2. Holland
  3. Germany
  4. Uruguay
  5. Portugal
  6. Italy
  7. Brazil
  8. England
  9. Croatia
  10.  Argentina