Mario Gotze

Kooxda Real Madrid ayaa isha la raaceysa xiddiga kooxda Borussia Dortmund Mario Gotze sida ay sheegeyso wargeyska Madrid ka soo baxa ee Marca.

19 jirkaan laacibka ah ayaa ka mid ah xiddigaha da’da yar ee ka dhexmuuqda qaarada yurub, tan iyo intii uu ku biiray kooxda waa weyn ee Broussia Dortmund 2009kii.

Waxa uu ciyaaray doorka hogaamiyaha isagoo kooxda ka caawiyay xilli ciyaareedkii hore inay qaadaan Bundesliga, waxaana in muddo ah lala xiriirinayay kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich.

Kooxda Gunners ayaa isku dayday inay xiddigan la soo wareegaan maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga, lakiin kooxda Dortmund ayaa ku soo celisay dalabkooda.

Wararka Spain ka soo baxaya ayaa sheegaya in Madrid ay haatan hubineyso xaalada ciyaaryahanka reer Jarmal ka hor inta aysan dalban bisha Janaayo.

Gotze ayaa laga yaabaa inuu noqdo ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee u dhaqaaqa Santiga Bernabue ee ka soo taga Bundeliga, ka dib markii ay Bundesliga ka soo qaateen ciyaartoy ay ka mid yihiin Mesut Ozil, Hamit Altintop, Nuri Sahin iyo Sami Khedira oo dhamaantood kooxda ku soo biiray intii uu Jose Mourinho yimid.