Bojan Krkic

Weeraryahanka kooxda Roma Bojan Krkic ayaa shaaca ka qaaday inuusan ku laaban doonin Barcelona hadii uu tababare Pep Guardiola dib uugu yeero Camp Nou.

21 jirkaan ayaa xagaagii ka tagay kooxda Barcelona isagoo ku biiray kooxda Serie A ka dhisan, ka dib markii uu boos joogta ah ka waayay kooxda reer Catalan.

Barcelona ayaase heysata fursad ay dib ugu soo iibsan karto oo qeyb ka aheyd heshiiskii uu ku wareegay, waxaana haatan uu Bojan sheegay inuusan qorsheyneynin inuu ku laabto Barcelona.

“Hadii haatan uu Guardiola i soo waco kuma laaban dooni Barcelona” ayuu ciyaaryahanka da’da yar u sheegay TV3.

“Waqti badan ayaa kooxda joogay oo aan la hadlin Guardiola. Ma aqaan erey aan ku sharxo marka ay timaado inta jeer aan arki jiray”

“Uma maleynayo inaan halkaas ka helay wixii aan u qalmay”

Warkaan ayaa waxa uu sii daba soctaa war u dhawaan sheegay weeraryahanka oo uu ku yiri in lagu qiimo tiray Barcelona.

“Waxaan go’aansaday inaan ka tagayo Barcelona habeenkii finalka Champions League” ayuu hadalkiisa raaciyay Krkic.

“Waan ogaa inaan boos joogta ah marna ka heleynin Barcelona. Xitaa markii ay 3-1 ku hogaamineynay ciyaartii Wembley tababaraha fursad ima uusan siinin, waqtigaas ayaana ogaaday inuusan aniga igu xisaabtameynin”

Krkic ayaa lagu wadaa inuu ku bilowdo kulanka ay Roma la ciyaareyso kooxda ay isku garoonka ytihiin ee Lazio ee axada soo socota.