Pepe

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa war fiican helay ka hor kulanka sabtida ee Real Betis ay la ciyaarayaan, iyadoo Pepe iyo Fabio Coentrao ay bilaabeen tababarka caadiga ah, ka dib markii ay ka soo kaceen dhaawacyo kala duwan.

Labada ciyaaryahan ayaa la ildarnaa dhaawac dhinaca muruqa ah, waxaana ay dhaawacaasi ka qaadeen kulankii guuldarada 1-0 ay ka soo gaartay Levante 18kii September, ilaa waagaasna garoomada ayay ka maqnaayeen.

Waxaana dhaawacaasi dartiis ay u seegeen kulamada horyaalka ee Racing Santander, Rayo Vallecano iyo Espanyol, iyo sidoo kale kulankii Champions League ee Ajax.

Si kastaba, kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu ayaa haatan xaqiijisay in ciyaaryahanada reer Portugal inay tababarka dib u bilaabeen lagana yaabo inuu ciyaaraan sabtida.

Madrid waxa ay haatan kaalinta seddexaad waxa ay kaga jirtaa La Liga iyadoo leh 13 dhibcood 6 kulan o ay ciyaareen.