Cristiano RoNaldo

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan in taageerayaasha kubada cagta adduunka ay jecel yihiin inay isaga daawadaan, waxaana uu hadalkan kaga jawaabayay dhaleeceyntii ugu danbeysay ee loo soo jeediyay.

Ronaldo ayaa lagu ooriyay bishii hore markii xulkiisa Portugal uu la ciyaarayay Cyprus kuwasoo ku qeylinayay magaca Messi, iyagoo ku xumeeynaya Ronaldo.

Arintaas ayaa iska qabowday todobaadyadii u danbeeyay, lakiin markii ay Portugal 4-0 kaga badisay xulka Iceland jimcihii ayaa Ronaldo uu dib u soo kiciyay wixii dhacay kulankii Cyprus.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United ayaa dusha ka riday arintaas oo dhan isagoo sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelanin.

Xaqiiqdii waxa uu dareensan yahay in qof walba oo kubada cagta wax ka yaqaana inuu jecel yahay kubadiisa.

“Waxyaabihii ay sameeyeen taageerayaasha Cyprus waxa ay ahaayeen wax aan caadi aheyn, lakiin dhegba uma dhigo waxyaabahaas” ayuu yiri Ronaldo sida ay qortay as.com

“Waxaan qabaa in dhamaan dadka jecel kubada cagta inay ku faraxsan yihiin marka uu Cristiano Ronaldo ciyaarayo” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ronaldo ayaa lagu wadaa inuu ciyaaro kulanka Portugal ay habeen danbe la ciyaari doonto Denmark.

Waxaana xulkiisa uu u baahan yahay inay hal dhibic ka helaan kulankaas si ay ugu soo baxaan ciyaaraha kama danbeysta ee Euro 2012.