Steven Gerrard

Kooxda Liverpool ayaa dib ugu soo dhaweyneysa booska line-upka kabtankooda Steven Gerrard kulanka sabtida ay la ciyaarayaan kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Manchester United, sida ay qorayaan qaar ka mid ah wargeysyada Ingariiska.

31 jirkaan ayaa ka soo laabtay dhaawac uu bilooyin la maqnaa, kaasoo soo gaaray dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Waxaana dhaawacaasi uu sababay in qaliin lagu sameeyo taasoo uu ka soo kabsanayay.

Liverpool ayaa si aayar ah dib ugu soo celisay garoonka Gerrard, waxaana uu seddex kulan bedel ku soo galay xilli ciyaareedkan, iyadoo kii ugu danbeeyay uu ahaa kulankii ay guusha ka gaareen Everton.

Tababare Kenny Dalglish waxa uu si fiican u yaqaanaa isbedel uu keeni karo ciyaaryahanka khadka dhexe marka ay la ciyaarayaan koox sida United ah.

Waxa uu u sheegay suxufiyiinta: “Gerrard oo taam waxa ay xoojineysaa kooxda taas su’aal kama taagna. Hadii Steven uu kooxdaada ku jiro waxa uu sarre u qaadayaa tayadaada”

“Waxaana dooneynaa inaan helno koox xoogan, hadii uu isaga ku jirana waxa ay naga dhigeysaa kuwa ka sii xoogan sidii hore”