Ashley Cole

Kooxda Barcelona ayaa waxa ay liiska laacibiinta ay dooneysa dhinaca sare ku darsatay Ashley Cole. Sida ay qortay Daily Mail.

Tababare  Pep Guardiola ayaa muhiimada koowaad waxa uu siinayaa daafaca dhinaca bidix waxana uu arkay daafaca kooxda Chelsea Cole in uu booskaa buuxinkaro, haddii ay kooxdisu ay ku bixin karto lacag dhan £12million.

Cole, oo 31jir ah ayaa waxaa uu doonayaa Guardiola in uu ka dhaadhiciyo madaxa kooxda Baca Sandro Rossel inuu ku dhaqaaqo soo xer gelinta Cole.

Hase yeeshee kooxda haysata horyaalka Yurub ayaa waxa ay si aad ah ula dhacsanayd ninka ka ciyaara garabka ee kooxda Tottenham Gareth Bale, laakinse qiimihiisa oo sareeya ayay kaga hartay doonistiisa.

Daafaca reer England  Cole ayaa waxaa dooneysay xagaagii la soo dhaafay kooxda  Real Madrid wuuna jeclaa in uu ka ciyaaro dalka Spain hase ahaatee kooxda Chelsea ayaa ku dhegtey diideyna inay iska iibiso.

Kooxda Barca ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inay dooneyso goolhaye, waxana ay isha la raacayaan goolahayaha kooxda ArsenalWojciech Szczesny.

Barca ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay xiiseyneyso daafaca kooxda Bolton  Gary Cahill.