Ryan Giggs

Xiddiga Manchester United ayaa ku guuleysaty abaalmarinta Golden Foot ee 2011ka.

Prince Albert labaad ee Monaco ayaa abaalmarinta gudoonsiiyay ciyaaryahanka khadka dhexe ka dib markii uu number koowaad ka galay codbixintii lagu qaaday website-ka abaalmarintan loo yaaqaano cagta dahabka.

37 jirkaan ayaa cagtiis oo dahab ah waxaa la dhigi doonaa Monte Carlo, halkaasoo sidoo kale cago dahab ay ka yaalaan xiddigaha sida Diego Maradona, Zinedine Zidane iyo Alfredo Di Stefano.

Giggs ayaa abaalmarinta uga mahahceliyay tababare Alex Ferguson.

Giggs ayaa abaalmarintan waxa uu ka qaaday saaxiibkiisii hore David Beckham, Gianluigi Buffon, Didier Drogba, Samuel Rto’o, Iker Casillas, Javier Zanetti iyo Carles Puyol.

Abaalmarinta Golden Foot waa abaalmarin la siiyo halyeeyada kubada cagta, kuwasoo ugu yaraan ay da’doodu tahay 29 islamarkaana shaqsi ahaan iyo koox ahaanba guulo waa weyn soo gaaray.

Sida abaalmarintan loogu kala guuleystay intii la bilaabay 2003dii.

Sannadkaxx Wadankaxxxxxxxxx Magacaxxxxxzz Kooxda
2003  Italy Roberto Baggio Italy Brescia
2004  Czech Republic Pavel Nedvěd Italy Juventus
2005  Ukraine Andriy Shevchenko Italy Milan
2006  Brazil Ronaldo Spain Real Madrid
2007  Italy Alessandro Del Piero Italy Juventus
2008  Brazil Roberto Carlos Turkey Fenerbahçe
2009  Brazil Ronaldinho Italy Milan
2010  Italy Francesco Totti Italy Roma
2011  Wales Ryan Giggs England Manchester United