Emmaniel Adebayor

Weeraryahanka kooxda Tottenham Emmanuel Adebayor ayaa loo sheegay in loo baahan yahay in la dhimo mushaarka uu qaato si uu boos joogta ah uga helo kooxda uu amaah ahaan hadda ugu ciyaaro ee  Tottenham.

Weeraryahanka ka soo jeeda wadanka Togo   ayaa waxa uu amaah ahaan ugu ciyaarayaa kooxda Tottenham isagoo ka tirsanaa kooxda Manchester City waxaana mushaar ahaan uu u helaa toddobaadkii lacag gaareysa  £150,000-toddobaadkiiba.

Tababaraha kooxda   Spurs  Harry Redknapp ayaa doonaya in uu siiyo boos joogta ah  weeraryahankan hore ugu ciyaari jirey Arsenal  waxana uu ogyahay in mushaaraadka uu qaato aysan ahayn mid kooxdu aysan awoodi karin inay si joogta ah u siiso.

Redknapp ayaa yiri : ‘Haddii  Emmanuel uu qaabkiisa sida hadda uu yahay uu sii ahaado waxaan jeclaan lahaa inuu kooxda uu sii joogo balse mushaarkiisa ayaa noqonaya mid caqabad ah.

‘Fikrad kama haysto inta mushaar ahaan aan u siino maadaama arrintaasi ay shaqadiisa tahay guddoomiyaha kooxda Daniel Levy .’ayuu sii raaciyey Redknapp

Isagoo u waramayay Sun tababare Redknapp: ‘Habka kaliya ee aan heshiis macquul ah kula geli karno Emmanuel waa inuu isu diyaariyo inuu hoos u dhigo mushaaraadka uu qaato uuna ka hormariyo lacagta ciyaarista kubbadda.’

Adebayor, waa 27jir waxana uu u dhaliyey saddex gool kooxda Tottenham isagoo saftay afar kulan tan iyo markii uu ku soo biirey kooxda.