Tom cleverley

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester United Tom Cleverley ayaa saxiixay heshiis cusub oo afar sanno ah oo uu ku sii joogayo kooxda Shayaadiinta Cas Cas.

22 jirkaan ayaa heshiiska loo kordhiyay taasoo abaalmarin u aheyd qaab ciyaareedkii uu ku bilowday xilli ciyaareedkan, waxaana uu Old Trafford sii joogi doonaa ilaa xagaaga 2015.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku bilowday afartii kulan ee ugu horeysay Premier League oo ay ku jirtay kulankii ay 3-0 uga badiyeen kooxda Tottenham, iyo kulankii ay 8-2 ku dubteen Arsenal.

Waxa uu haatan ka soo kabanayaa dhaawac canqowga ah oo ka soo gaaray kulankii Bolton ee ay la ciyaareen bil ka hor