Leo Messi & Krkic

Baaris ay sameysay Diari Segre ayaa lagu shaaciyay in weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi iyo weeraryahanka kooxda Roma Bojan Krkic inay yihiin qaraabo fog. Sida aan ka soo xiganay Goal.com

Todobaadkii hore ayaa la ogaaday in xiddiga reer Argentina inuu xidido ku leeyahay Catalan, waxaana haatan soo baxday in awoowe labaadkii Messi ay walaalo ahaayeen awoowe labaadkii Bojan.

Labada qoys ee ciyaartoydan ayaa waxa ay wadagaan magaca Perez.

Ramon Perez Llobera, oo ah awoowe labaadka Messi oo dhashay 1859kii ayaa waxa ay walaalo ahaayeen Goncal oo ah awoowe labaadkii Bojan kaasoo isagana dhashay 9 sanno ka dib.

Ramon gabadha uu awoowaha u yahay ee Rosa Maria Perez ayaa ugu danbeyn waxa ay u haajirtay Argentina waxaana ay is guursadeen Eusebio Messi Baro. Wiilkooda ayaana ah aabaha xiddiga kooxda Barcelona.

Messi iyo Bojan ayaa labadoodaba iskula soo ciyaaray kooxda Barcelona ilaa Bojan uu u dhaqaaqo xagaagii garoonka Stadio Olimpico.