Seria A

* Jahwareerka heysta kooxda Inter Milan ayaa weli socda iyadoo uu soo baxayo warar sheegaya in ciyaaryahan Diego Forlan laga yaabo inuu maqnaado muddo labo bilood ah ka dib markii uu dhaawac ku soo gaaray kulankii isreebreebka koobka adduunka ee xulkiisa Uruguay ay talaadadii la ciyaareen xulka Paraguay.

Kubadsameeyaha reer Holland Wesley Sniejder oo seegay kulankii guuldarada 3-0 ay ka soo gaartay Napoli labo isbuuc ka hor ayaa haatan ka soo kabsaday dhaawac, waxaana laga yaaba inuu ciyaaro kulanka sabtida ay kooxdiisa la ciyaareyso Catania, iyadoo Nerazurri ay hal boos kaliya u jirto halka lagu haro.

Madaxweyne Massimo Moratti ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya suurtagalnimada in Samuel Eto’o uu amaah ugu soo laabto kooxda marka horyaalka Ruushka uu fasax galo.

“Waxba kalama socdo arintan. Waa fekerad qariib ah mana istaahisho in laga hadlo sababtoo ah boqolkiiba sagaashan macquul mahan in la hirgeliyo” ayuu Morratti u sheegay http://www.inter.it.

* AS Roma ayaa axada ciyaari doonta kulanka Derby Rome ee Lazio iyadoo ay u badan tahay inuu ka maqnaado kabtankooda Francesco Totti kaasoo dhaawac ah.

Roma, oo ku jirta kaalinta lixaad ayaa hal boos ka horeysa kooxda ay isku magaalada yihiin ka dib markii ay ka soo kabsadeen xilli ciyaareed ay si xun ugu bilowdeen, sidoo kalena waxaa shaki ku jiraa inuu ciyaarayo David Pizaro.

Weeraryahanka Lazio Miroslav Klose ayaa isaga lagu wadaa inuu taam noqdo, 33 jirkaan ayaa ka soo kabsanaya dhaawac jilibka ah.

Lazio ayaan ka badin Roma tan iyo 2009kii.

* Madaxweyne ku xigeenka AC Milan Adriano Galliani ayaa beeniyay in ciyaartoyda kooxdiisa uu daal weyn ka muuqdo, iyadoo Zlatan Ibrahimovic iyo Antonio Cassano ay sheegeen inay dareemayaan in maskaxda ay ka daaleen.

“Ma ahi dhaqtar cilmi nafsi, lakiin waan la hadlay labada ciyaaryahan waana ay fiican yihiin” ayuu Galliani suxufiyiinta u sheegay.

Kooxda horyaalka heysata ayaa waxa ay ku jirtaa kaalinta 15aad, waxaana ganaax uga maqan Kevin – Prince Boateng ka dib markii casaan qaatay kulankii Juventus, lakiin waxa ay dib u soo dhaweynayaan daafaca Ignazio Abate iyo Robinho kuwasoo diyaar u nooqnaya kulanka Palermo ee sabtida.

* Kooxda hogaanka heysa ee Juventus ayaa fileysa in laacibkooda ay u saaran tahay Claudio Marchisio uu taam noqon doono kulanka ay axada la ciyaari doonaan Chievo Verona.

Kulamada Todobaadkan Ee Horyaalka Serie A:

Sabti:

Catania ? – ? Inter Milan
AC Milan ? – ? Palermo
Napoli ? – ? Parma

Axad:

Cesena ? – ? Fiorentina
Atalanta ? – ? Udinese
Cagliari ? – ? Siena
Chievo ? – ? Juventus
Genoa ? – ? Lecce
Novara ? – ? Bologna
Lazio ? – ? AS Roma