Laliga

*Ciyaaryahan Andres Iniesta ayaa lagu wadaa inuu ku soo laabto Barcelona ka dib dhaawac uu ku maqnaa, marka kooxda horyaalka difaacneysa ay sabtida garoonkeeda Camp Nou ku martigeliso Racing Santander.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain ayaa maqnaa muddo bil ah dhaawac soo gaaray darteed.

Eric Abidal iyo Cesc Fabregas ayaa iyagana uu shaki ku jiraa inay ciyaarayaan, halka Alexis Sanchez iyo Ibrahim Afellay ay weli dhaawac ku maqan yihiin.

* Gonzalo Higuain ayaa sida la filayo ku bilaaban doono Real Madrid marka ay garoonkeeda ku marti qaado kooxda heerka labaad ka timid ee Real Betis habeenka sabtida iyadoo Karim Benzema uu weli ka shaqeynayo inuu ka soo kabsado dhaawac muruqa ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Nuri Sahin iyo daafacyada Ricardo Carvalho iyo Raul Albiol ayaa dhamaantood dhaawac ku maqan.

*Daafaca Carlos Marchena ayaa dhaawac ka soo laabanaya lakiin Villarreal ayaa dhibaato ay ka heysataa weerarka iyadoo ciyaaryahanka reer Brazil Nilmar uu ka soo kabsanayo qaliin looga sameeyay jilibka, sidoo kale ciyaaryahanka reer Argentina Marco Ruben ayaa shaki uu ku jiraa kulanka ay sabtida ugu safrayaan kooxda Getafe.

*Weeraryahanaka Sevilla Alvaro Negredo ayaa isaga ku maqan dhaawacii ku qasbay in laga reebo xulkii Spain ee ciyaaray isreebreebka Euro 2012, waxaana ay la micno tahay in Manu del Moral la weydiisan doono inuu hogaamiyo weerarka marka ay booqanayaan axada kooxda Sporting Gijon.

* Atletico Madrid ayaa waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Turkiga Arda Turan, marka ay sabtida la kulmayaan kooxda heerka labaad ka timid ee Granada.

* Valencia ayaa iyadana waxaa ka maqnaan doona Tino Costa kaasoo dhaawac ah iyo ciyaaryahanka reer Holland Hedwiges Maduro, kaasoo afar bilood garoomada ka maqnaanaya.

Valencia ayaa booqan doonta Real Mallorca sabtida.

Kulamada Todobaadkan Ee La Liga:

Sabti 

Getafe ? – ? Villarreal
Mallorca ? – ? Valencia
Real Madrid ? – ? Real Betis
Barcelona ? – ? Racing Santander
Granada ? – ? Atletico Madrid

Axad

Rayo Vallecano ? – ? Espanyol
Zaragoza ? – ? Real Sociedad
Levante ? – ? Malaga
Sevilla ? – ? Sporting Gijon

Isniin

Athletic Bilbao ? – ? Osasuna