Premier League

Weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney ayaa xiriirka uu la leeyahay Everton waxa ay Liverpool u aheyd meel adag oo uu booqdo, lakiin dhibatadii qoyskiisa ee todobaadkii hore iyo casaankii uu qaatay kulankii England ayaa waxaa la filayaa inuu hadalo xun kala kulmo taageerayaasha Liverpool.

Liverpool ayaa martigelineysa kooxda hogaanka u heysta Premier League berri oo sabto ah, iyadoo labadan kooxood ee ka dhaxeeyso xafiiltanka ugu xamaasadeysan ee Premier League.

Falanqeynta kulankan adag oo faahfaahsan waxaan soo qaadan doonaa berri aroortii xilliga Somaliya.

Manchester City ayaan halis gelin doonin Sergio Aguero kulanka sabtida ee ay martigelinayaan kooxda Aston Villa sida uu sheegay tababare Roberto Mancini.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa ku dhow inuu ka soo boqsado dhaawac, waxaana la filayaa inuu taam noqon doono kulanka Champions League ee talaadada ay Man City garoonkeeda ku soo dhaweyneyso Villarreal.

Weeraryahanka kale Mario Balotelli ayaa isaga la filayaa inuu ciyaaro kulanka sabtida ka dib markii uu ka soo bogsaday dhaawac dhabarka ah.

Weerarka kooxda Chelsea Fernando Torres ayaa seegi doona kulanka sabtida ay Stamford Bridge ku soo dhaweynayaan Everton isagoo maraya ganaxiisii ugu danbeeyay ee seddex kulan oo la ganaaxay bishii December.

Everton ayaa iyadana laga yaabaa inuu ka maqnaado ciyaaryahanka reer Australia Tim Cahill, kaasoo dhaawac uu canqowga ka soo gaaray.

Dhinaca kooxda Arsenal waxaa ka maqnaan doona Sagna oo dhaawac muddo dheer ku maqan waxaana laga yaabaa in mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe in daafac la ciyaarsiiyo kulanka ay axada la ciyaarayaan Sunderland.

Jack Wilshere, Abou Diaby iyo Varmaelen ayaa weli dhaawac kaga maqan kooxda Gunners.

Tottenham Hotspur ayaa sugeysa warka ku saabsan fayowqabka weeraryahan Emmanuel Adebayor, Sandro iyo Aaron Lennon ka hor kulanka ay la ciyaarayaan axada kooxda Newcastle United.

Vedran Corluka iyo Niko Kranjcar ayaa dhaawacyo ka soo qaaday kulankii Croatia ay kaga badisay Latvia  talaadadii waxaana ay seegi doonaan kulankan.

Liverpool iyo United kaliya mahan kulanka north-west derby, Wigan Athletic ayaa iyadana soo dhaweyneysa dariskeeda Bolton.

Kulamada Todobaadkan Ee Premier League:

Sabti:

Liverpool ? – ? Manchester U.
Manchester C. ? – ? Aston Villa
Norwich C. ? – ? Swansea C.
Queens Park R. ? – ? Blackburn R.
Stoke C. ? – ? Fulham
Wigan Athletic ? – ? Bolton W.
Chelsea ? – ? Everton

Axad:

West Bromwich A. ? – ? Wolverhampton W.
Arsenal ? – ? Sunderland
Newcastle U. ? – ? Tottenham H.