Cope Del Rey

Kooxda heysata Copa del Rey ee Real Madrid ayaa waxaa lagu aadiyay kooxda ka socota Segunda Division B ee Ponferradina wareega 32aad ee Copa del Rey.

Kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu ayaa ku bilaaban doonta ciyaar ay marti yihiin December 13keeda ka hor inta aysan kooxda yar martigelin 21ka december.

Kooxda horyaalka heysata ee Barcelona ayaa iyadana waxaa lagu aadiyay kooxda yar ee Hospitalet. Lugta hore waxa ay dhici doontaa 8da December, halka lugta labaad la ciyaari doonta 21ka December.

Dhinacyada kalena, Valencia waxa ay la kulmi doonaa kooxda Cadiz, halka Sevilla ay qoorta isku geli doonaan San Roque.

Villarreal ayaa iyadana waxa ay qaabili doontaa Mirandes, halka Atletico Madrid ay ku aaday koox yara adag Albacete.

Real Madrid ayaa 1-0 ku garaacday Barcelona finalkii sannadkii hore ee Copa del Rey.

Kooxda Catalans ayaa ah kooxda ugu guulaha badan koobka Copa del Rey iyagoo qaaday 25 jeer, waxaana ku soo xigta Athletic Bilbao oo ku guuleysatay 23 jeer.