Vidic

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa rajeynaya in kabtanka kooxda Shayaadiinta Cas Cas Nemanja Vidic  inuu diyaar noqon doono kulanka berri ay la ciyaarayaan kooxda Liverpool.

Vidic ayaa ciyaaray kulankii Serbia ee isreebreebka Euro 2012, lakiin Sir Alex ayaa digtoonaan ka qaba inuu ciyaaryahanka ku soo darro kulan awood iyo xamaasad badan loo baahan yahay.

“Su’aasha weyn ee taala ayaa ah in Vidic uu diyaar u yahay kulanka berri” ayuu Sir Alex u sheegay suxufiyiinta.

“Waxa uu kulankiisii ugu horeeyay talaadadii u ciyaaray Serbia, sidaasi darteed xisaabta ayaa lagu darsanayaa sababtoo ahaa wa tartamaa aad u fiican”

“Shalay ayuu yimid, waana uu fiicnaa, lakiin kulanka Liverpool waa ciyaar xamaasad leh waxaana loo baahan yahay qof walba inuu boqolkiiba boqol ahaado, sidaasi darteed isaga ayaay ku xiran tahay sida uu dareemayo”

“Inta soo hartay oo dhan waa taam, marka laga reebo Tom Cleverley iyo Rafael”

Liverpool ayaa ku guuldareysatay sannadihii ugu danbeeyay inay u tartamaan horyaalka, lakiin Sir Alex ayaa weli Liverpool u texgeliya inay ka horeeyaan kooxaha kale ee horyaalka u tartama sida Chelsea iyo xitaa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City.

“Inkasto waxyaabaha qaar ay iska bedeli karaan sannadaha soo socda Manchester City, ma hubo in kulanka derby Manchester uu la mid yahay marka ay ciyaarayaan Manchester United iyo Liverpool

“Waxaan mar walba u texgeliyaa inuu yahay kulanka ugu adag xilli ciyaareedka ee kubada Ingariiska, welina sidaas ayaan aaminsanahay”

“Waxaan qabaa in taageerayaasha ay door muhim leh ka ciyaraaan, murana kama taagna taas”

“Waqtigeyga waxaa casaan halkaas nooga soo qaatay 9 ciyaaryahan, taasoo ah wax aan looga baran Manchester United, sidaasi darteed waxa ay ku xiran tahay jawiga la abuuro”

Sir Alex ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Kenny Dalglish ay yihiin mid ka mid ah kooxaha u tartamaya horyaalka xilli ciyaareedkan.

“Afar ama shan kooxood ayaa ku tartamaya horyaalka, mar walbana waa inaad ku soo dartaa Liverpool”