Xavi Hernandez

Xavi ayaa kula dabaaldegay rikoorkiisa cusub ee u safashada La Liga kooxda Barcelona laad xor ah oo cajiib ah oo uu ka dhaliyay kooxda Granada, iyagoo ku badiyay gool iyo waxba.

31 jirkaan khadka dhexe ayaa ciyaaray kulankiisii 392aad ee horyaalka, waxaana uu goolkaasi ka xareeyay kooxda Granada daqiiqadii 33aad ee ciyaarta, waxaana ay haatan ku soo laabteen hogaanka La Liga iyagoo ka sareeya kooxda laga yaaban yahay Levante iyo Real Madrid.

Barca, oo aan wax gool ah laga dhalin 7 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan, ayaa leh 21 dhibcood sagaal kulan oo ay ciyaareen, waxaa ku xigtan Levante oo leh 20 dhibcood 8 kulan ay ciyaareen, iyagoo habeen danbe gurigooda ku martiqaadi doona kooxda Real Sociedad.

Real Madrid, oo leh 19 dhibcood ayaa iyadana habeen danbe waxa ay martigelin doontaa kooxda Villarreal.

Granada ayaa inta badan ciyaarta ku ciyaartay qeybtii danbe 10 ciyaaryahan ka dib markii ciyaaryahankooda khadka dhexe Jaime Romero loo taagay hurdigiisii labaad 8 daqiiqo marka ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta.

Weeraryahanka Dani Benitez ayaa isna dhamaadkii ciyaarta casaan ka qaatay kooxda Granada ka dib markii uu kubad banaanka u tuuray.

Sevilla, oo afaraad ku jirta lehna 16 dhibcood ayaa waxa ay la ciyaareysaa kooxda Racing Santander