Carlos Tevez

Carlos Tevez ayaa la ganaaxay muddo afar todobaad mushaharkiisa uu ka qaadanayay Manchester City ka dib markii lagu helay danbigii lagu soo oogay.

Lacagta Tevez uu weyn doono ayaa gaareysa 800 kun ginni oo ah muddo bil ah mushaharkii uu ka qaadan lahaa kooxda Man City.

Ciyaaryaahnka ayaa sidoo kale looga digay inuu waxaas oo kale ku kaco mustaqbalka, ka dib baarintaan laga sameeyay sidii uu u dhaqmay kulankii Champions League ee Bayern Munich bishii hore.

27 jirkaan oo ka qeyb galay jimcihii hore dhageysiga dacwadiisa, ayaa sidoo kale la ganaaxay muddo labo todobaad ah, lakiin ganaxaas waaba uu soo qaatay sidaasi darteed uma baahna inuu mar kale maro.

Tevez ayaa ganaaxnaa muddo labo isbuuc ah intii ay City ka baareysay eedeymihii uu tababare Roberto Mancini ku soo rogay Tevez oo lagu eedeeyay inuu diiday inuu bedel ahaan ku soo galo kulankii ka dhacay Allianz Arena September 27keedii.

Laacibka reer Argentina ayaa beeniyay eedeymahaas, waxaana ku eedeeyay inuu jiro isfaham la’aan, isagoo sheegay inuusanba diidin inuu is kululeeyo, madaama uu hore u sameeyay islamarkaana uusan u arkin wax muhim ah.

Tevez ayaa heysta inuu racfaan ka qaato go’aankan ganaaxa ah muddo 14 maalmood ah.