QPR 1-0 Chelsea

Xiriirka kubada cagta Ingariiska FA ayaa dacwad ku soo oogay Chelsea oo ku aadan sida ay ugu guuldareysteen inay xakameeyaan ciyaartoydooda markii ay socotay ciyaartii axada ee ay la ciyaareen QPR, sidoo kalena FA-ga waxa ay warqad u qoreen tababare Andre Villas-Boas oo ay kaga codsanayaan inuu sharaxaad ka bixiyo hadaladii uu ka sheegay garsoore Chris Foy.

Go’aankan uu FA-ga qaatay ayaa waxa ay jawaab u tahay sida ciyaartoyda Chelsea uga jawaabeen markii kaarka casaan loo taagay ciyaaryahan Jose Bosingwa.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa sidoo kale laga yaabaa inay talaabo dheeri ah ka qaadaan Villas-Boas ka dib markii ay weydiisteen inuu sharaxo dhaleeceyntii uu dhaleeceeyay garsoorka ciyaartii ay la ciyaareen Queens Park Rangers.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday FA-ga ayaa lagu yiri: “FA waxa ay maanta dacwad ku soo oogtay Chelsea madaama ay ku guuldareysteen inay xakameeyaan ciyaartoydooda”

“Waxa ay tani la xiriirtaa dhacdo ay ciyaartoyda Chelsea ku soo xoomeen garsoore Chris Foy markii uu casaanka u taagay Jose Bosingwa”

“Waxa ay dhacdadani dhacday kulan Premier League ah oo ay la ciyaareen QPR 23kii October”

“Mid taas ka duwan, FA-ga ayaa warqad u qoray tababaraha Chelsea Andre Villas-Boas, waxaana la weydiistay inuu sharaxo warkii uu saxaafada ka sheegay”

“Villas-Boas waxaa la weydiistay inuu sharaxo hadaladii uu ka sheegay garsooraha ciyaarta Chris Foy iyo caawiyayaashiisa”

“Labadaas arimoodba, kooxda waxa ay heystaa ilaa jimcaha 28ka October inay kaga soo jawaabaan”