Manchester Carling Cup

Kooxda Manchester United ayaa ku soo laabatay wadadii guusha ka dib markii ay si raaxo leh seddex iyo waxba ku dardareen kooxda Aldershot Town kulan ka tirsanaa wareega afaraad ee Carling Cup oo ka dhacay EBB Stadium.

Goolal ka kala yimid Dimitar Berbatov iyo Michael Owen ayaa kooxda difaacaneysa Premier League waxa ay siisay hogaan rasmi ah qeybtii hore ee ciyaarta ka hor inta uusan Antonio Valnecia soo gabgabeyn ciyaarta goolkii uu dhaliyay qeybtii labaad.

Si kastaba, safarkaan ay ku tageen Hampshire ayaanana aheyn mid ilowsiinaya guuldaradii 6-1 ee ka soo gaartay deriskooda, ka soo kabsashadooda horyaalka waxa ay bilaaban doonta sabtida marka ay u safraan kooxda Everton.

Tababaraha kooxda United Sir Alex Ferguson ayaa gabi ahaanba bedelay kooxdii ciyaartay todobaadkan.  Marka lagu darro Berbatov iyo Owen, sidoo kale waxa uu xushay kabtanka kooxda Nemanja Vidic, Phil Jones, Tom Cleverley iyo Park Ji-Sung oo dhamaadtood ku bilowday ciyaarta.

Cleverley ayay u aheyd kulankiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu dhaawac la baxay bishii September kulankii ay guusha ka gaareen kooxda Bolton.

Dhinaca kale Arsenal ayaa ku badbaaday labo gool ay si dhaqso ah u dhaliyeen Andrey Arshavin iyo Park Chu-Young iyagoo xaqiijistay inay u gudbeen wareega quarter-finals-ka ka markii ay 2-1 ku garaaceen kooxda Bolton.

Kooxda Gunners ayaa waxaa gool kaga naxsaday ciyaaryahankoodii hore  Fabrice Muamba, lakiin Arshavin iyo Park ayaa seddex daqiiqo gudahood qeybtii labaad ee ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxda Arsenal.

Arsenal ayaan looga badin muddo dheer garoonkooda Emirates ciyaaraha Carling Cupka.

Kulamada xiisaha leh ee caawa la ciyaarayo waxaa ka mid ah, Stoke City ayaa waxa ay martigelin doontaa kooxda Liverpool, halka Everton ay iyadana gurigeeda ku soo dhaweyn doonto Chelsea, Wolves ayaa iyadana martiqaad u fidin doonta kooxda Manchester City, halka Blackburn iyo Newcastle United ay kulan xiiso leh ku balansan yihiin.