Juventus

Kooxda Juventus ayaa qabatay mar kale hogaanka Serie A ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen kooxda Fiorentina oo ku soo booqatay garoonka Juventus Stadium.

Leonardo Bonucci ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Bianconeri ka dib daqiiqadii 13aad, iyadoo Juventus ay ciyaarta maamuleysay qeybtii hore oo dhan. Fiorentina ayaa barbareysay ka hor inta aysan ciyaarta socon muddo saacad ah, iyadoo uu u saxiiixay ciyaaryahan Stevan Jovetic.

Lakiin  Alessandro Matri ayaa seddexda dhibcood u xaqiijiyay kooxda La Vecchia Signora bartamihii qeybtii labaad ee ciyaarta.

Juventus ayaa ku bilaabatay qaab ciyaareed ah 4-3-3, iyadoo Arturo Vidal uu ku soo laabtay inuu ka ciyaaro khadka dhexe, Mirko Vucinic iyo Simone Pepe ayaana weerarka kula wehliyay Matri.

Fiorentina ayaa sidoo kale ciyaartay weerar seddex ah, iyadoo Juan Manauel Vargas iyo Alessio Cerci ay ka garab ciyaarayeen Jovetic. Alberto Gillardino ayaa ku bilowday kursiga keydka ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah oo uu muddo dheer la maqnaa.

Juventus ayaa haatan hogaanka ku heysa hal dhibic, lakiin waxaa isla caawaba kala wareegi kara Udinese ama Lazio, Juve waxa ay leedahay 16 dhibcood 8 kulan oo ay ciyaareen.

Udinese ayaa iyadana waxa ay leedahay 15 dhibcood, lakiin caawa ayay marti u tahay kooxda Napoli, kulankaasoo noqon doona mid adag oo u baahan in indhaha lagu hayo.

Lazio ayaa iyadana leh 14 dhibcood, waxaana ay caawa la ciyaari doontaa Catania oo ay ku marti qaadayaan garoonkooda Olimpico.

Kulamada Caawa Dhacaya Serie A:

AC Milan ? – ? Parma
Atalanta ? – ? Inter Milan
Cesena ? – ? Cagliari
Chievo ? – ? Bologna
Genoa ? – ? AS Roma
Lazio ? – ? Catania
Napoli ? – ? Udinese
Novara ? – ? Siena