Pedro Rodriguez

Barcelona iyo Pedro ayaa helay wax ka badan wixii ay ay heeleen kulankii ay 1-0  ay kaga badiyeen kooxda Granada, iyadoo dhaawac canqowga ka soo gaaray uu weeraryahankaasi ku maqnaan doono ugu yaraan labo isbuuc, sida ay sheegtay kooxda reer Catalan.

Laacibka reer Spain ayaa u muuqday mid canqowga uu wiriq ka galay ka dib markii uu si xun u dhacay qeybtii labaad ee ciyaartii lagu kala baxay laadkii xorta ahaa ee Xavi.

Cabsi laga qabay inay wax jabeen ayaa haatan laga ceyntaa, iyadoo baaritaan hore oo lagu sameeyay lagu ogaaday in lafaha aysan waxba gaarin.

War la soo dhigay website-ka rasmiga ee Barcelona ayaa lagu xaqiijiyay dhaawaca Pedro.

“Dhaqaatiirta kooxda ayaa baaritaan hore ku sameeyay waxaana ay sheegeen in Pedro aysan laf jabin, lakiin dhaawac uu ka soo gaaray canqowgiisi bidixda, waxaana la filayaa inuu maqnaado 10 ilaa 16 maalmood”

Pedro ayaa laga yaabaa inuu seego kulamada Mallorca iyo Athletic Bilbao ee La Liga, kulanka Viktoria Plzen ee Champions League iyo kulanka Hospitaler ee Copa del Rey ee bisha danbe.