Why Always Me

Weeraryahanka kooxda Machester City Mario Balotelli ayaa sheegtay in dabaaldegiisa gaarka ahaa ee kulankii Manchester Derby uu ahaa mid hal mar ah, waxaana uu sidoo kale sheegay inuusan isaga lug ku laheyn eeda dabkii ka kacay gurigiisa.

Laacibka reer Italy ayaa dhaliyay goolkii hore ee ciyaartii 6-1 lagu xaaqay kooxda United, waxaana uu ku dabaaldegay isagoo soo bixiyay funaanad hoose oo ay ku qoran tahay ‘Why Always Me?’ .

Si kastaba 21 jirkaan ayaa sheegay inuusan sidaasi oo kale u dabaaldegi doonin mustaqbalka madaama uusan dooneynin inuu uruursado calaamadaha hurdiga.

“Waxaan u sameeyay sababo kala duwan, lakiin waxaan doonayaa inay dadka iyaga raadiyaan waxa ay la micno aheyd. Waan hubaa dadku waa ay keeni doonaan” ayuu Super Mario u sheegay saxaafada.

“[Les] Chappy, oo ah ninka maaliyadaha inoo habeeya ayaa ii soo sameeyay, waxaan u sheegay ereyada isagana waa uu ii soo daabacay.  Waa nin aad u fiican Chappy”

“Mar kale ma sameyn doonaa? Maya, sababtoo ah hadii kale todobaad kasta ayaan jaale qaadanayaa, waxa ay aheyd kaliya wax hal mar ah oo United aan ku sameeyay”

Balotelli ayaa sidoo kale sheegay inuusan shaqo ku laheyn dabkii kacay qeyb ka mid ah gurigiisa, iyadoo buleer laga dhexbiyay suuligiisa.

“Waxba igama gelin waxa ay dadka iga sheegayaan. Dadku waxa ay xiiseynayaan nolosheyda qaaska ah, lakiin wixii todobaadkan dhacay aniga igama imaan”

“Waxa sameeyay mid ka mid ah saaxiibadeey iyo walaalkeey saaxiibkiisa. Malaha waa inaan ka taxadaraa cida aan u ogolaanayo gurigeyga”

“Lakiin anigama ma sameynin. Waxba ma aanan sameynin, waqtiyada ay xaalad xun jirto dadka waxa ay doonayaan inay adiga kaa hadlaan, wixii ay doonaan ayayna iska sheegayaan”

“Lakiin waxaan diirada saarayaa kubada cagta, asxaabteyda Man City, macalinka, gabadha saaxiibtey ah iyo qoyskeyga, iyo waxa ay iyaga igu yiraahdaan. Cid kale waxa ay sheegto muhim ii mahan”