David Silva

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa dadaal ugu jira sidii ay xilli ciyaareedka soo socda ay uga soo wadi lahaayeen kooxda Manchester City ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara ee David Silva.

Kooxahan ka ciyaara  La Liga ayaa waxaa soo jiitey qaab ciyaareedka laacibkan haatan sida weyn uga dhex muuqda kooxda uu macalinka u yahay Roberto Mancini.

Ciyaaryahankan 25-jirka ah ayaa awood u leh in uu ka ciyaaro dhexda iyo weerarka.

Silva ayaa waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahanadii dhulka ku jiidey kooxda haysata horyaalka dalka Ingiriiska ee Man United.

Tababarayaasha kooxaha  Barca  Pep Guardiola iyo Real Madrid Jose Mourinho ayaa isha ku hayay Silva tan iyo markii xagaagii hore uu ka soo wareegay kooxda Valencia isagoo lagu bixiyey lacag dhan  £24m.

Kooxahan xifaaltanka ka uu dhexeeyo ayaa waxa ay doonayaan inay ku dhiirigeliyaan in uu Spain ka ciyaaro si uu uga helo boos joogta ah xulka qaranka Spain.

Vicente del Bosque ayaa u xushay Silva afar ka mid ah siddeed kulan oo ahaa kulamada isreebreebka Euro2012, waxana uu ka mid ahaa hal kulan oo qura tartankii ciyaaraha adduunka ee lagu qabtay dalka Koonfur Afrika sanadkii 2010.