N. Vidic

Tababaraha kooxda Man United ayaa doonaya in uu wax ka qabto dhaliisha ka soo muuqatay daafaca kooxdiisa ciyaartii Axada loogaga badiyey 6-0.

Nemanja Vidic ayuu doonayaa tababaraha in uu soo safo si uu u dhayo boogaha daafaca Man United. Kabtanka kooxda Man United oo laga tegey ciyaartii lagu tuntay kooxdiisa ayaa ku bilaaban doona ciyaarta caawa ay la yeelanayso Man United kooxda heerka labaad ee Aldershot kulan ka mid ah  Carling Cup si uu si wanaagsan ugu diyaargaroobo ciyaarta maalinta Sabtida ah ee kooxda  Everton.

Ferguson ayaa ka go’an in uu Vidic ciyaarsiiyo, waxana uu daafacan ka mid noqon ciyaaryahanada lagu bilaabo garoonka tan iyo bishii August 14keedii ciyaartii West Brom ay la yeesheen isagoo k u dhaawacmay ciyaartaas.

Dib u soo laabashada Vidic ayaa loo arkaa inay tahay mid xasilin karta daafaca kooxda si ay kooxdu u difaacato koobka Premier League.

United ayaa shan dhibcood ka hooseysa kooxda City kadib ciyaartii uu ku tilmaamay Fergie in ay ahayd tii ugu xumeyd ee loogaga guuleysto weligiis.