Yaya Toure

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa ku eedeeyay tababare Pep Guardiola ka tagitaankiisii Camp Nou ee xagaagii 2010ka.

Laacibka reer Cote d’Ivoire ayaa sheegay inuu doonayay inuu sii joogo Barcelona inta ka dhiman mustaqbalkiisa ciyaareed, lakiin xiriirkii xumaa ee kala dhaxeeyay Guardiola ayaa ugu danbeyn keenay inuu go’aansado inuu kooxda isaga tago.

“Mar kasta oo aan wax weydiiyo Guardiola, waxa uu u siin jiray jawaabo qariib ah. Waaba uu inkiri jiray ilaa dalabkii Man City uu ka yimid. Waana sababta aan ugu danbeyn u doortay inaan baxo. Muddo sannad ah lama hadlin Gaurdiola” ayuu Toure u sheegay ONA FM.

“Hadii uu ila hadli lahaa, waan sii joogi lahaa Barcelona. Ma dooneynin inaan baxo, waxaan doonayay inaan mustaqbalkeyga ciyaareed ku soo gabgabeeyo Barcelona. Si kastaba, ima uusan aaminsaneyn. Waxaan doonayay inaan joogo, lakiin isaga ma uusan dooneynin inaan joogo”

28 jirkaan khadka dhexe ayaa u saftay wax ka badan 100 kulan kooxda reer Catalan mudadii seddexda sanno aheyd ee uu la joogay kooxda, lakiin Guardiola ayaa ka doorbiday Sergio Busquets inuu khadka dhexe ka ciyaar siiyo, mudooyinkii ugu danbeeyay ee Toure uu joogay Camp Nou.

Toure ayaa noqday mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu mushaharka badan Premier League markii uu ku biiray Manchester City.