Tobabraha kooxda arsenal Arsene Wenger ayaa danaynaya in heshiiska iyo mudda uu kooxda kula joogo alexander song loo sii korshiyo, iyadoo alexander song loogu ballan qaadey in uu kamid noqon doono ciyaartoyada ugu mushaharka badan kooxda Arsenal

Alexander Song oo 24 jir ah ayaa Noqdey dhexda ugu fiican premier league, Song oo Wiigii qaata 55,000 £ ayaa loogu balan qaadey 75000 £ waa haddii uu kooxda usii kordhiyo heshiiska uu kula jiro oo dhamaanaya sanad kadib

Alexandre Song waxa uu kooxda arsenal kusoo Biirey 2005 isagoo kayimid kooxda kaciyaarta Serie B fransiiska ee De Bastia ladhaho waxaa  kaloo xusid mudan in 2006 amaah lagu siiyey kooxda charlton athlatic