Alessandro Del Piero ayaa ciyaari doona kulankiisii 700aad ee Juventus hadii uu safto kulanka arbacada ay kooxdiisa

Del Piero la ciyaareyso Lazio

Halyeeygaan oo seddex gool dhaliyay 22 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u saftay Bainconeri ayaa qarka u saaran inuu jabiyo rikoor kale oo kooxda ah

Ma jiro ciyaaryahan kale oo 700 kulan u saftay La Signora, iyadoo Del Piero uu waa hore dhaafay Gaetano Scirea oo 552 kulan u saftay Juve iyo Beppe Furino oo 528 kulan u saftay.

Del Piero, oo intii uu xirnaa maaliyada Bianconeri u dhaliyay 287 gool, ayaa 699 kulan ka soo saftay 11 tartan oo kala duwan.

Haatan oo uu saftay 699 kulan, 473 ka mid ah waxa uu ka saftay Serie A, 35 ka mid ah Serie B, 55 kulan Coppa Italia, lix kulan Italian Super Cup iyo 89 kulan European Cup, seddex kulan isreebreebka Champions League, 28 kulan UEFA Cup, afar kulan isreebreebka Europa League, seddex  kulan Intertoto, labo kulan European Super Cup iyo hal kulan Intercontinental Cup.