Paul Scholes

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Scholes ayaa ku dhow inuu aqbalo dalabka Sir Alex Ferguson oo ah inuu xilli ciyaareed kale ka sii ciyaaro Old Trafford, sida ay qortay jariirada The Times.

37 jirkaan ayaa dhaliyay goolkii labaad ee ay 2-0 axadii kaga badiyeen QPR, taasoo uu ku helay amaanta macalinkiisa iyo asxaabtiisa ay isku kooxda yihiin

United ayaa kaliya labo dhibcood iska dhumisay 12 kulan tan iyo intii uu Scholes soo laabtay bishii Janaayo, taasoo keentay in United ay haatan sideed dhibcood ka horeeyaan City.

Warkaan oo ay qortay The Times ayaa intaa ku daray in xiddigii hore ee xulka England inuu diyaar u yahay inuu xilli ciyaareed kale u ciyaaro kooxda, iyadoo loo arko wax fiican in Michael Carrick ay iska garab ciyaaraan

Carrick ayaa yiri: “Qaab ciyaareedkiisa, si toos ah ayuu kooxda ugu soo laabtay, cajiib ayuuna ahaa. Welina wax badan oo uu ciyaaro ayaa u haray”