Tag Archive: arsenal


Jordi Alba

Wakiilka ciyaaryahanka kooxda Valencia Jordi Alba ayaa shaaciyay in AC Milan ay xiiseyneyso in ciyaaryahanka reer Spain ay xagaaga geyso San Siro

Rossoneri ayaa raadineysa daafac garab ka ciyaara oo cusub, iyadoo Taye Taiwo, Luca Antonini iyo Djamel Mesbah ay dhamaantood ku guuldareysteen inay si fiican ugu ciyaaraan garabka bidix ee daafaca. Waxaana ay Milan u aragtaa Alba ciyaaryahan ku haboon booskaas

“Waa run, waxaan xaaqiijin karaa in Milan xiriir nala soo sameysay” ayuu yiri Wakiil Vicente Fores sida ay qortay Calciomercato.com

“Waxa uu ahaa xiriir kooban ilaa iyo haatan, lakiin waxaan la kulmi doonaa agaasimaha Isboortiga Ariedo Braida 20ka maalmood ee soo socda” ayuu hadalkiisa raaciyay

Alba ayaa ka soo baxay akadeemiga kooxda Barcelona, lakiin waxa uu ku soo baxay kooxda Valencia, Kooxda reer Catalans ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay doonayaan inay dib u la saxiixdaan daafaca bidix, iyagana ayaana la rumeysan yahay inay ku horeeyaan tartanka saxiixa ciyaaryahanka

sergio kun aguero, alexis sanchez

Iyadoo haatan uu xirmay suuqa kala iibsiga ee horyaalada ugu waa weyn ee qaarada yurub ayaa waxaa haatan loo jeesan doonaan in koox walba ay kooxdooda isku aadaadiyaan islamarkaana garoonka ay la yimaadaan wax ka duwan xilli ciyaareedkii hore.

Lacagta Horyaalada Ay Qarashgareeyeen Xagaagan.

Sida xagaa kasta ciyaaryahano waa weyn ayaa la kala iibsaday, Cesc Fabregas ayaa ugu danbeyn ku laabtay Barcelona, Sergio Aguero ayaa ka tagay Atletico Madrid, Javier Pastore ayaa si la yaab leh ugu biiray PSG, iyo sidoo kale Samuel Eto’o oo isna si lama filaan ah kooxda Anzhi ku biiray. Continue reading