Tag Archive: Bayern Munich


Jordi Alba

Wakiilka ciyaaryahanka kooxda Valencia Jordi Alba ayaa shaaciyay in AC Milan ay xiiseyneyso in ciyaaryahanka reer Spain ay xagaaga geyso San Siro

Rossoneri ayaa raadineysa daafac garab ka ciyaara oo cusub, iyadoo Taye Taiwo, Luca Antonini iyo Djamel Mesbah ay dhamaantood ku guuldareysteen inay si fiican ugu ciyaaraan garabka bidix ee daafaca. Waxaana ay Milan u aragtaa Alba ciyaaryahan ku haboon booskaas

“Waa run, waxaan xaaqiijin karaa in Milan xiriir nala soo sameysay” ayuu yiri Wakiil Vicente Fores sida ay qortay Calciomercato.com

“Waxa uu ahaa xiriir kooban ilaa iyo haatan, lakiin waxaan la kulmi doonaa agaasimaha Isboortiga Ariedo Braida 20ka maalmood ee soo socda” ayuu hadalkiisa raaciyay

Alba ayaa ka soo baxay akadeemiga kooxda Barcelona, lakiin waxa uu ku soo baxay kooxda Valencia, Kooxda reer Catalans ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay doonayaan inay dib u la saxiixdaan daafaca bidix, iyagana ayaana la rumeysan yahay inay ku horeeyaan tartanka saxiixa ciyaaryahanka

Daniel Van Buyten

Kooxda Bayern Munich ayaa heshay war lagu farxo ka dib markii uu ciyaaryahan Daniel Van Buyten uu dib u bilaabay tababar kooxdiisa ka hor kulanka todobaadka soo socda ay la leeyihiin Bayer Leverkusen.

Daafaca dhexe ayaa dhaawac uu ka soo gaaray kulankii ay Bayern Munich 2-0 Champions League kaga badisay kooxda Villarreal todobaadkii hore, waxana uu garoomada ka maqnaa wixii xiligaas ka danbeeyay. Continue reading