Tag Archive: Mario balotelli


Wararka kasoo baxaya suuqa talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Manchester city ay qorsheyneyso in ay iska iibiso ciyaartoygeeda faralagaqaadka ah ee Mario balotelli marka uu formo suuqa kala iibsiga ciyaartooyadu

Mario Balotelli

Jariirada La Gazzetta Della Sport ayaa Qortey in maamulka iyo mulkiilayaasha kooxda Manchester City ay wax kaqaban kari waayeen oo ay wax kabadeli kari waayeen habdhaqankiisa foosha xunleh iyadoo dhacdidii ugu danbeysey uu galay shilbaabuur laakiin nasiib wanaag waa uu kabadbaadey Mario Balotelli taas oo keentey in kufegeraan in ay iska iibiyaan  marka uu formo Suuqa kala iibsiga ciyaartooyadu

Sidoo kale Jariiradu waxay Qortey in kooxdiisii Hore ee InterMilan ay aad udaneyneyso soo gadashada Mario Balotelli si uu uga kaalmeeyo guuldarrooyinka haysta Intermilan

Mario Balotelli oo kusoo biirey Kooxda Manchester City sanadkii 2010 isagoo kayimid kooxda Intermilan oo laga soo siistey lacag dhan 28 million euro waxaana uu kooxdiisa City udhaliyey 27 gool isagoo usaftey 58 kulan

Roberto Mancini Tobabarihiisa kooxda Manchester City ayaa shalay wax ka sheegey balotelli isagoo sheegey in Haddii ay isku soo gaadhi lahaayeen Kubadda Cagta oo ay isku koox kasafan lahaayeen in uu maalin kasta madaxa katumi lahaa

Waxaa kaloo uu sheegey Roberto Mancini “maalin kasta waxa aan kala hadlaa wax udana isaga anigoo og in Mario Balotelli noqon karo xidigyada waaweyn oo soo marey kubadda cagta laakiin nasiib darro labadii cishe ee isku xigaba waxa uu sameeyaa dhacdo cusub oo tii hore kaduwan”

Why Always Me

Weeraryahanka kooxda Machester City Mario Balotelli ayaa sheegtay in dabaaldegiisa gaarka ahaa ee kulankii Manchester Derby uu ahaa mid hal mar ah, waxaana uu sidoo kale sheegay inuusan isaga lug ku laheyn eeda dabkii ka kacay gurigiisa.

Laacibka reer Italy ayaa dhaliyay goolkii hore ee ciyaartii 6-1 lagu xaaqay kooxda United, waxaana uu ku dabaaldegay isagoo soo bixiyay funaanad hoose oo ay ku qoran tahay ‘Why Always Me?’ .

Si kastaba 21 jirkaan ayaa sheegay inuusan sidaasi oo kale u dabaaldegi doonin mustaqbalka madaama uusan dooneynin inuu uruursado calaamadaha hurdiga.

Continue reading