RealMadrid 4-2 Getafe

Koooxda Real Madrid ayaa dulmartay kooxda ay deriska yihiin ee Getafe ka dib markii ay ku garaaceen 4-2 ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Estadio Santiago Bernabeu, waxaana ay 2 dhibcood ka sareeyaan Barcelona oo barbaro 2-2 ah kala kulantay kooxda Real Sociedad.

Ciyaaryahan Karim Benzema ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka dhaliyay, lakiin Miku ayaa Getafe u barbareeyay ka hor qeybtii hore ee ciyaarta.

Cristiano Ronaldo ayaa gool rigoore ahaa mar kale hogaanka ugu dhiibay kooxda Real markii ay ciyaarta socotay muddo saacad ah, Benzema ayaana u seddexeeyay sagaal daqiqio ka dib, lakiin hadana Miku ayaa mar kale rajo soo geliyay kooxda ka dhisan Madrid.

Si kastaba Gonzalo Higuain oo bedel ku soo galay ayaa goolkii afaraad ka u dhaliyay Los Blancos, waxaana ay xaqiijisteen guushooda.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay kulankii lixaad oo isku xiga oo La Liga ah, ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee Real Madrid ee sidaasi sameeya waxa uu ahaa Ruud van Nistelrooy oo 7 kulan oo isku xigta oo La liga ah gool dhaliyay 2009kii.

 

Real SOcieded 2-2 Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa barbaro 2-2 ah waxaa ay kala kulantay kooxda Real Sociedad, ciyaar ka horeysay tan Real Madrid, taasoo keeneysa in haatan Los Blancos ay labo dhibcood ka horeyso labo kulan oo ilaa iyo haatan la ciyaaray.

Ciyaaryahan Xavi ayaa hogaanka u dhiibay Barca daqiiqadii 8aad ee ciyaarta ka dib shaqo fiican oo u qabtay Cesc Fabregas, lakiin kabtankii hore ee Arsenal ayaa isna shabaqa soo taabtay 60 ilbiriqsi ka dib.

Kooxda martida ahaa ayaa labo gool kaga yaabsatay Barcelona qeybtii danbe ee ciyaarta.

Imanol Agirretxe ayaa gool madax ahaa dabamariyay Victor Valdes daqiiqadii 59aad,  Antonio Griezman ayaana kooxda Real Sociedad u barbareeyay ciyaarta.

Inkastoo Barcelona aysan helin natiijadii ay u baahneyd hadana waxa ay dhigtay rikoor cusub, iyagoo ugu yaraan hal gool dhaliyay 22kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay martida ahaayeen.

 

Valencia 1-0 atletico madrid

 

Dhinaca kale kooxda Valencia ayaa gaartay guusheedii labaad ee xilli ciyaareedka ka dib martkii ay 1-0 ku quusiyeen kooxda Atletico Madrid oo ku soo booqatay garoonka Mestalla Stadium.

Goolasha laga baqo ee Roberto Soldado ayaa weli socda isagoo dhaliyay goolka guusha bilowgii qeybta danbe ee ciyaarta, waxaana goolkiisaasi uu imaanayaa iyadoo ciyaartii tan ka horeysay uu seddexleey ka soo dhaliyay Racing Santander oo kooxdiisa ay 4-3 kaga badisay.

Inkastoo Radamel Falcao oo lacag adag ku fadhiya uu u bilowday kooxda Atletico hadana weli Atletico wax gool ah ma aysan dhalin xilli ciyaareedkan cusub ka dib markii ay barbaro goolal la’aan ah la galeen Osasuna kulankii kan ka horeeyay.

Valencia ayaa haatan isku diyaarin doonta kulanka Champions League ee Genk, iyagoo hogaanka La Liga la haya kooxda Real Madrid oo min lix dhibood ay wada leeyihiin.

Kulamadii La Liga ee la ciyaaray:

Real Sociedad

2 – 2

Barcelona

Villarreal

2 – 2

Sevilla

Real Madrid

4 – 2

Getafe

Valencia

1 – 0

Atletico Madrid