$$$Somaliand$$$
Latest Entries »
Xidiga kooxd Manchester City Sergio Kun Aguero ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay Horyaalka Premier League isagoo intaa ku daranay in aanu dhawaanahan aanu meelkale uga socon
Waxa kaloo uu beeniyey wararka saxaafaduhu isla dhex marayaan ee ah in uu ku laabanayo Horyaalka Spain Gaar ahaan kooxda RealMadrid waxaana uu ku tilmaamey wararkaasi in ay yihiin Gutiriteen
Sergio kun aguero oo sanadkiisii ugu horreeyey ee uu kasafto premier league is muujiyey isagoo dhaliyey 17 gool taasoo kadhigeysa in uu kamid noqdo weeraryahannada ugu fiican dunida, sidaa daraadeed waxaa u hanqaltaageysa soo gadashadiisa kooxda RealMadrid oo marar farabadanna isku deydey in ay soo xero geliso
Laakiin aguero waa beeniyey wararka sheegaya in uu tegeyo Kooxda RealMadrid isagoo ka hadlayana arrintaas waxa uu yidhi “kama masuul ihi waxay saxaafaduhu qorayaan mana ogi, waxaan usheegayaa taageerayaasha Manchester city in ay ku farxaan in aanan meelna uga socon kooxda”
Waxa uu intaas ku daray “aad ayaan ugu faraxsanahay kooxdeyda City waxaana isku deyeyaa in aan muddo dheer joogo kooxda intii suurto gal ahba”
Waxa uu kusoo gebegebeeyey “ilaa intaan imi kooxda Manchester City maan arag weji xun, taageerayaashu sifiican ayey iila dhaqmaan oo ay iisoo dhaweeyaan”
Kooxda Kadhisan Caasimadda wadanka Spain ee lagu naaneyso Kooxda Boqorada “RealMadrid” ayaa ku dooneysa Xiddiga Kooxda Arsenal haddana hogaaminaya gooldhalinta premier League Rubbin Van Persie Lacag Gaadheysa 63 Million Oo Euro
RealMadrid oo markii hore diirada Saareysey Xiddiga Brazil usoo kacaya una safta kooxda Santon Neimar ayaa ka hadhey tartankii ay kudooneysa laacibkaas kadib markii uu Nieymar uu sheegey in uu jecelyahay in uu kasafto Kooxda Barcelona
Go’aankaas uu qaatey Neiymar oo ku kalliftey in ay iska deyso kooxda RealMadrid una Beesho soo gadasha Rubbin Van Persie una soo bandhigtey kooxda Arsenal Lacag gaadheysa 63 million oo euro
Sidoo kale kooxda Manchester City ayaa iyaduna Tartan ba’an ugu jirta sidii ay uheli lahayd Rubbin Van Persie iyadoo ugu ballan qaadey in uu Wiigii kasta uu qaadan doono 200,000 £
Laakiin rubbin van persie ayaa hore usheegey in aanu jecleyn in uu uciyaaro koox kale oo premier league ah oo aan arsenal ahayn
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Scholes ayaa ku dhow inuu aqbalo dalabka Sir Alex Ferguson oo ah inuu xilli ciyaareed kale ka sii ciyaaro Old Trafford, sida ay qortay jariirada The Times.
37 jirkaan ayaa dhaliyay goolkii labaad ee ay 2-0 axadii kaga badiyeen QPR, taasoo uu ku helay amaanta macalinkiisa iyo asxaabtiisa ay isku kooxda yihiin
United ayaa kaliya labo dhibcood iska dhumisay 12 kulan tan iyo intii uu Scholes soo laabtay bishii Janaayo, taasoo keentay in United ay haatan sideed dhibcood ka horeeyaan City.
Warkaan oo ay qortay The Times ayaa intaa ku daray in xiddigii hore ee xulka England inuu diyaar u yahay inuu xilli ciyaareed kale u ciyaaro kooxda, iyadoo loo arko wax fiican in Michael Carrick ay iska garab ciyaaraan
Carrick ayaa yiri: “Qaab ciyaareedkiisa, si toos ah ayuu kooxda ugu soo laabtay, cajiib ayuuna ahaa. Welina wax badan oo uu ciyaaro ayaa u haray”
Kooxda Chelsea oo kutala jirta soo gadasha Fernando llorente marka uu furmo suuqa kala iibsiga Ciyaartoygu
Warkan oo ay saaka qortey jariirada daily Mirror ee kasoo baxda Dalka ingiriiska ayaa ku caddeysey in kooxda Chelsea wada hadal lagashey kooxda Bilboa sidii ay uga soo iibsan lahaayeen xiddigooda Fernando llorente
Sidoo kale kooxda Chelsea oo Qorsheyneysa in Didier Drogba fasaxdo marka uu dhamaado xilli Ciyaareedkan ayaa Badalkiisa Raadineysa
Fernando Llorente oo kooxo farabadan oo qaarada Europe katirsani isku haystaan kana mid yihiin kooxda RealMadrid, Juventus iyo Chelsea oo kusoo biirtey
Laakiin kooxda athletic bilboa ma rabto in xiddigooda Fernando Llorrente in ay si fudud kubixso sababtoo ah ciyaartoygan oo qiimo badan ugu fadhiya xilli ciyaareedkanna u horseedey kooxdiisa goolo lataaban karo oo ay kamidyihiin in ay marayaan SemiFinalka Europpa League iyo Finalka Coppa De Larey-ga
Weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli ayaan wajihi doonin wax ganaax ah oo ku aadan taakalkii uu ku galay Alex Song sida ay xaqiijiyeen goordhow xiriirka kubada cagta Ingariiska FA.
FA-ga ayaa sheegay inaysan qaadi karin wax talaabo ah madaama dhacdadaasi uu ugu yaraan arkay mid ka mid ah afartii garsoore ee ee dhexdhexaadinayay kulankii Arsenal ay 1-0 kaga badisay Manchester City.
Sida FIFA ay qabto islamarkaana FA-ga uu ku dhaqmo dhacdo aysan arkin garsoorayaasha ciyaarta kaliya ayaa talaabo lagu qaadi karaa, lakiin dhacdo ay arkeen garsoorayaasha balse aysan iyaga wax talaabo ah qaadin xiriirka ganaax kuma soo rogi karo ciyaaryahan.
Go’aankaan ayaa ka dhigaya in Balotelli uu haatan maqnaanayo kaliya seddex kulan madaama uu casaan qaatay kulankaas, islamarkaana casaankaas uu yahay kiisii seddexaad ee xilli ciyaareedkan Premier League
Markii aan sideed sano jirka ahaa kooxda Manchester City wey idiidey in aan usafto oo aan ku biiro akaadimiyadooda laakiin wakhtigaas iimuu sheegin aabahay isagoo iga ilaalinayey niyad jab igu yimaada sidaa waxaa leh weeraryahanka da’da yar ee usafta kooxda Manchester United Dani Welback mar uu siinayey wareysi wargeysa DailyMirror
Waxa uu intaas ku daray “kadib markaas aabahay waxa uu go’aansadey in uu igu daro acadimadaya kooxda magaaladayada Fletcher Mose, nasiib wanaag waxaa isoo dalbatey kooxda Manchester united, anoo dib eegin ayaan aqbalay dalabka iiga yimid kooxda Manchester United Sababtoo Ah Dhiigeyga ayaa ah Casaan”
Welback oo amaah dhowr jeer lagu siiyey kooxaha Priston north iyo Sunderland ayaa Sanadkan Qaab ciyaareed fiican soo bandhigey qaab ciyaareedkaas oo uu ku qancey tobabaraha kooxda Manchester united Sir Alex Ferguson
Welback wareysigiisii waxa uu kusoo Gabo gabeeyey “sanadka waxaanu xoogga saareynaa oo awoodayada dul dhigi doonaa sidaa aan nalooga qaadin Horyaalka premier league oo ah koobkii ugu danbeeyey ee gacantayada ku jira”
Tobabarha kooxda arsenal Arsene Wenger ayaa kadhawaajiyey in kabtanka kooxda arsenal Robbin Van Persie uu mudanyahay in lagudoonsiiyo Ciyaartoyga Sanadka ee Premier League
Arsene wenger 62 jir ah ayaa sheegey in robbin van persie uu soo bandhigey sanadkan ciyaar aad looga yaabey taas ayaa keentey in aan kadhawaajiyo in lagudoonsiiyo ciyaartoyga sanadka
Mar laga weydiiyey Arsene Wenger sii joogista Van Persie Kooxda Arsenal sannado kale waxa uu kayidhi “Ma jecli in aan goobtan kaga hadlo heshiiska uu la geli doono kooxda laakiin waxaan idiin hubaa in uu sanadkale kooxda sii joogi doono aanu jecelnahayna in aanu heshiiska ukordhino si uu kooxda ula soo jiigo sanado badan”
Van persie oo 28 jir ah ayaa Sanadkan Dhaliyey 33 gool dhammaan koobabka uu kasaftey isagoo welibana hogaaminaya Gooldhalinta horyaalka Premier League
Arsenal oo manta laciyaareysa kooxda Manchester city garoonka fly emirates iyadoo ciyaartan kamidtahay wareega 32 ee premier league ayaa waxa robbin van persie rajaynayaa in uu sii badiyo gooldhalintiisa kooxdiisana usugo booska champions league
Wararka kasoo baxaya suuqa talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Manchester city ay qorsheyneyso in ay iska iibiso ciyaartoygeeda faralagaqaadka ah ee Mario balotelli marka uu formo suuqa kala iibsiga ciyaartooyadu
Jariirada La Gazzetta Della Sport ayaa Qortey in maamulka iyo mulkiilayaasha kooxda Manchester City ay wax kaqaban kari waayeen oo ay wax kabadeli kari waayeen habdhaqankiisa foosha xunleh iyadoo dhacdidii ugu danbeysey uu galay shilbaabuur laakiin nasiib wanaag waa uu kabadbaadey Mario Balotelli taas oo keentey in kufegeraan in ay iska iibiyaan marka uu formo Suuqa kala iibsiga ciyaartooyadu
Sidoo kale Jariiradu waxay Qortey in kooxdiisii Hore ee InterMilan ay aad udaneyneyso soo gadashada Mario Balotelli si uu uga kaalmeeyo guuldarrooyinka haysta Intermilan
Mario Balotelli oo kusoo biirey Kooxda Manchester City sanadkii 2010 isagoo kayimid kooxda Intermilan oo laga soo siistey lacag dhan 28 million euro waxaana uu kooxdiisa City udhaliyey 27 gool isagoo usaftey 58 kulan
Roberto Mancini Tobabarihiisa kooxda Manchester City ayaa shalay wax ka sheegey balotelli isagoo sheegey in Haddii ay isku soo gaadhi lahaayeen Kubadda Cagta oo ay isku koox kasafan lahaayeen in uu maalin kasta madaxa katumi lahaa
Waxaa kaloo uu sheegey Roberto Mancini “maalin kasta waxa aan kala hadlaa wax udana isaga anigoo og in Mario Balotelli noqon karo xidigyada waaweyn oo soo marey kubadda cagta laakiin nasiib darro labadii cishe ee isku xigaba waxa uu sameeyaa dhacdo cusub oo tii hore kaduwan”
Ciyaartoyga khadka dhexe uga safta kooxda Chelsea Michael Essien ayaa kawaramey kulanka ay kooxdiisa wada leeyi

hiin Kooxda Barcelona isagoo Tibaaxey in kooxdiisa Chelsea ay gaadhi karto Finalka
Waxa kaloo uu intaas ku daray “ciyaartii ug danbeysey ee aanu wada ciyaarno Barcelona waxaan kasii xasuustaa labadii gool oo ahaa laba gool oo qurqurux badan iyo Garsoorihii ciyaarta hayay oo dhawr rikoodhe naga eexday, aadbaan uga xumahay laakiin hadda waxaan dareensanahay in aanu kabadin karno Barcelona”Sidoo kale waxa uu ka Hadley ciyaartii dhex martey labada kooxood 2009 waxaana uu yidhi “labadii
sane ee danbe maanaan wada kulmid kooxda Barcelona annagoo waayihii hore marar farabadan wada kulaney waxaaan doorkan isku deyi doonaan in aan ka guuleysano oo aanu tagno Finalka Champions League”
Tobabraha kooxda arsenal Arsene Wenger ayaa danaynaya in heshiiska iyo mudda uu kooxda kula joogo alexander song loo sii korshiyo, iyadoo alexander song loogu ballan qaadey in uu kamid noqon doono ciyaartoyada ugu mushaharka badan kooxda Arsenal
Alexander Song oo 24 jir ah ayaa Noqdey dhexda ugu fiican premier league, Song oo Wiigii qaata 55,000 £ ayaa loogu balan qaadey 75000 £ waa haddii uu kooxda usii kordhiyo heshiiska uu kula jiro oo dhamaanaya sanad kadib
Alexandre Song waxa uu kooxda arsenal kusoo Biirey 2005 isagoo kayimid kooxda kaciyaarta Serie B fransiiska ee De Bastia ladhaho waxaa kaloo xusid mudan in 2006 amaah lagu siiyey kooxda charlton athlatic
-
Real iyo Barca waxay wada kulmeen 216 kulan
- Real Waxay badisey 86 kulan
- Halka barca ay kabadisey 85 kulan
- Waxayna is barbareeyeen 45 kulan
Kulamada ay wadayeesheen league spanishka Laliga
- 163 kulan ayay wada ciyaareen real iyo barca marka laga hadlayo Laliga-ha
- RealMadrid waxay badisey 68 kulan
- Halka Barcelona ay kabadisey 64 klan
- Barbarruhuna waxa uu ahaa 31 kulan
Marka loo eegayo garoonka neo camp ee Barcelona yaa badis badan
- Waxay garoonka neo camp kuwada ciyaareen 81 kulan
- RealMadrid waxay badisey 18 kulan oo qudha
- Halka Barcelona ay badisey 47 kulan
- Barbarruhuna waxa uu ahaa 16 kulan
- Goolasha ay Barcelona kaga dhalisey garoonkeeda waxa weeye 161 gool
- Halka realmadrid ay ku dhalisey 93 gool
Marka loo eegayo garoonka Santiago Bernabue ee RealMadrid yaa badis badan
- Waxay kuwada ciyaareen 81 kulan
- Waxay realmadrid badisey 50 jeer
- Halka Barcelona ay kaga badisey 17 jeer oo qudha
- Goolasha ay realmadrid ay kudhalisey Santiago bernabue classicoda waa 168 gool
- Barcelona waxay ku dhalisey 93 gool
Ciyaartoygii ugu badnaa ee dhaliya goolal classicodu waayo?
- Waxa uu ahaa alfredo de steffano oo uciyaari jirey realmadrid qarnigii tagey kuna beegnaa xilliyadii 55 ilaa 70’s waxaana uu dhaliyey classicoda 18 gool waxaa kusoo xiga Raul oo isna uciyaari jirey RealMadrid lehna 17 gool
Ciyaartoygii ugu badnaa ee safta classicada waxa uu ahaa Raul Gonzales oo safety 30 kulan
Ciyaartooyadii usaftey labada kooxood way badnaayeen waxayna gaadhayeen ilaa 28 ciyaartooy se waxaa ugu caansanaa Luis Figo, Eto’o Saviola, Ronaldo, Luis Enrique, Hilario iyo chuzter
Thierry Henry iyo taageere kamida kooxda arsenal oo iskula dhacay cadhadii katimi guuldaradii arsenal ay kasoo hoysey garoonka Swansea 3-2
Waxaa la’arkey Thierry henry oo ku leh taageeraha haddii aad wax isku hubtid kasoo degbal garoonka, laakiin kooxda arsenal hadalkaas wey beenisey waxayna tidhi “waxa qudha ee Thiery Henry ku yidhi taageeraha waxay ahayd: waxkasta oo dhaca waa in aad ku kalsoonaataa naadigaaga oo aad taageertaa kooxda”
Waxayse umuuqataa in theiry henry ku jeesjeesey taageraha, waxaa kaloo uu Henry sababay in kooxda arsenal laga dhaliyo koolka saddexaaad ee lagaga badiyey kadib markii isaga kubadda laga dafay dabeetana loo baasey dani graham kaasoo ku shubey goolka saddexaad daqiiqadaa 70
Sidoo kale waxaa laga arkey telefiishanada Henry oo ku qaylinaya taageerayaasha arsenal una soo jeedinaya dhaleeceen sida ladereemey




















































Abdirahim Ali Mahamoud
