Tag Archive: Chelsea


Jordi Alba

Wakiilka ciyaaryahanka kooxda Valencia Jordi Alba ayaa shaaciyay in AC Milan ay xiiseyneyso in ciyaaryahanka reer Spain ay xagaaga geyso San Siro

Rossoneri ayaa raadineysa daafac garab ka ciyaara oo cusub, iyadoo Taye Taiwo, Luca Antonini iyo Djamel Mesbah ay dhamaantood ku guuldareysteen inay si fiican ugu ciyaaraan garabka bidix ee daafaca. Waxaana ay Milan u aragtaa Alba ciyaaryahan ku haboon booskaas

“Waa run, waxaan xaaqiijin karaa in Milan xiriir nala soo sameysay” ayuu yiri Wakiil Vicente Fores sida ay qortay Calciomercato.com

“Waxa uu ahaa xiriir kooban ilaa iyo haatan, lakiin waxaan la kulmi doonaa agaasimaha Isboortiga Ariedo Braida 20ka maalmood ee soo socda” ayuu hadalkiisa raaciyay

Alba ayaa ka soo baxay akadeemiga kooxda Barcelona, lakiin waxa uu ku soo baxay kooxda Valencia, Kooxda reer Catalans ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay doonayaan inay dib u la saxiixdaan daafaca bidix, iyagana ayaana la rumeysan yahay inay ku horeeyaan tartanka saxiixa ciyaaryahanka

QPR 1-0 Chelsea

Xiriirka kubada cagta Ingariiska FA ayaa dacwad ku soo oogay Chelsea oo ku aadan sida ay ugu guuldareysteen inay xakameeyaan ciyaartoydooda markii ay socotay ciyaartii axada ee ay la ciyaareen QPR, sidoo kalena FA-ga waxa ay warqad u qoreen tababare Andre Villas-Boas oo ay kaga codsanayaan inuu sharaxaad ka bixiyo hadaladii uu ka sheegay garsoore Chris Foy.

Go’aankan uu FA-ga qaatay ayaa waxa ay jawaab u tahay sida ciyaartoyda Chelsea uga jawaabeen markii kaarka casaan loo taagay ciyaaryahan Jose Bosingwa.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa sidoo kale laga yaabaa inay talaabo dheeri ah ka qaadaan Villas-Boas ka dib markii ay weydiisteen inuu sharaxo dhaleeceyntii uu dhaleeceeyay garsoorka ciyaartii ay la ciyaareen Queens Park Rangers.

Continue reading

Abrahamovic

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa ku amray tababare Andre Villas-Boas inuu soo safo ciyaartoy da’ yar kulanka Carling Cup-ka ee ay la ciyaarayaan kooxda Fulham

Iyadoo in badan laga hadlay sida bilyaneerka reer Russia uu u doonayo Champions League, hadana Villas-Boas ayaa sheegay in kooxda ay dooneyso inay horumarin ku sameyso ciyaartoydeeda da’da yar

Waa falsafada kooxda, waa go’aan uu milkiilaha doonayo, in la horumariyo ciyaartoyda da’da yar” ayuu Villas-Boas u sheegay suxufiyiinta Continue reading