Tag Archive: barcelona


Pele

Halyeeyga reer Brazil Pele ayaa mar kale xusay fekerkiisa ah in Neymar uu ka fiican yahay xiddiga Barcelona Lionel Messi, isagoo ku dooday in Messi ay tahay inuu ka soo fiicnaado marka hore ciyaaryahanka da’da yar ee Santos ka hor inta uusan isaga kula tartamin laacibkii abid adduunka ugu fiicnaa

Pele oo seddex jeer koob adduun ku guuleystay ayaa ka hadlayay shir jaraa’id oo ay qabteen Santos

“Haatan qof walba waxa uu ka hadlayaa Messi, waa xiddig, Lakiin inuu noqoto ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa, waa inuu mar ka hor ka soo fiicnaadaa Neymar” ayuu yiri Pele

“Haadatan la joogo kaliya Messi waa uu ka qibrad badan yahay Neymar”

Pele ayaa sidoo kale hoos u dhigay dagaalka afka ah ee kala dhaxeeya Maradona, isagoo sheegay inuusan jirin xurguf u dhaxeysa labada nin

“Wariyayaashiinaan waxaa mar walba dhahdaan inaan ahay qof Maradona la xafiiltama, lakiin run ma ahan. Waligeyna ma noqon qof la xafiiltama, waxaana uu ahaa kubadsameeye weyn” ayuu hadalkiisa ku koobay

Jordi Alba

Wakiilka ciyaaryahanka kooxda Valencia Jordi Alba ayaa shaaciyay in AC Milan ay xiiseyneyso in ciyaaryahanka reer Spain ay xagaaga geyso San Siro

Rossoneri ayaa raadineysa daafac garab ka ciyaara oo cusub, iyadoo Taye Taiwo, Luca Antonini iyo Djamel Mesbah ay dhamaantood ku guuldareysteen inay si fiican ugu ciyaaraan garabka bidix ee daafaca. Waxaana ay Milan u aragtaa Alba ciyaaryahan ku haboon booskaas

“Waa run, waxaan xaaqiijin karaa in Milan xiriir nala soo sameysay” ayuu yiri Wakiil Vicente Fores sida ay qortay Calciomercato.com

“Waxa uu ahaa xiriir kooban ilaa iyo haatan, lakiin waxaan la kulmi doonaa agaasimaha Isboortiga Ariedo Braida 20ka maalmood ee soo socda” ayuu hadalkiisa raaciyay

Alba ayaa ka soo baxay akadeemiga kooxda Barcelona, lakiin waxa uu ku soo baxay kooxda Valencia, Kooxda reer Catalans ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay doonayaan inay dib u la saxiixdaan daafaca bidix, iyagana ayaana la rumeysan yahay inay ku horeeyaan tartanka saxiixa ciyaaryahanka

Carles Puyol

Kabtanka Kooxda Barcelona Carles Puyol ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin guushii ay kusoo gaadheen garoonka la romareda ee iska leedahay kooxda Real Zaragoza, kulankan oo ay Barcelona ku badisey afar gool iyo hal

Waxa kaloo uu yidhi “waanu ka warqabney in ay kulanku nagu adkaanayo sababtoo Real Zaragoza oo saddexdii kulan ee ugu danbeeyeyba badisey iyo kooxda oo carareysa In ay ku dhacdo Serie B”

Waxa kaloo uu intaas ku dara “waajibka nasaaran ciyaartoy ahaan waxa weye in aanu dadaalno oo ciyaarkasta oo kahadhey xilli ciyaareedka aanu sideeda gaarka ah ula dhaqano”

Barcelona oo waayadan danbaba laga badin ayaa dooneysa in ay gaadho kooxda Realmadrid oo lix dhibcood kaga haysa hogaanka Spanishka si ay uhanato horyaalka Spanishka

RealMadrid 4-2 Getafe

Koooxda Real Madrid ayaa dulmartay kooxda ay deriska yihiin ee Getafe ka dib markii ay ku garaaceen 4-2 ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Estadio Santiago Bernabeu, waxaana ay 2 dhibcood ka sareeyaan Barcelona oo barbaro 2-2 ah kala kulantay kooxda Real Sociedad.

Ciyaaryahan Karim Benzema ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka dhaliyay, lakiin Miku ayaa Getafe u barbareeyay ka hor qeybtii hore ee ciyaarta.

Cristiano Ronaldo ayaa gool rigoore ahaa mar kale hogaanka ugu dhiibay kooxda Real markii ay ciyaarta socotay muddo saacad ah, Benzema ayaana u seddexeeyay sagaal daqiqio ka dib, lakiin hadana Miku ayaa mar kale rajo soo geliyay kooxda ka dhisan Madrid. Continue reading

sergio kun aguero, alexis sanchez

Iyadoo haatan uu xirmay suuqa kala iibsiga ee horyaalada ugu waa weyn ee qaarada yurub ayaa waxaa haatan loo jeesan doonaan in koox walba ay kooxdooda isku aadaadiyaan islamarkaana garoonka ay la yimaadaan wax ka duwan xilli ciyaareedkii hore.

Lacagta Horyaalada Ay Qarashgareeyeen Xagaagan.

Sida xagaa kasta ciyaaryahano waa weyn ayaa la kala iibsaday, Cesc Fabregas ayaa ugu danbeyn ku laabtay Barcelona, Sergio Aguero ayaa ka tagay Atletico Madrid, Javier Pastore ayaa si la yaab leh ugu biiray PSG, iyo sidoo kale Samuel Eto’o oo isna si lama filaan ah kooxda Anzhi ku biiray. Continue reading